Awdalpress(Jigjiga) 20 Oct, 14–Sida lawada ogsoonyahay wadanka Itoobiya waxaa kunool qoomiyado, shucuubo, iyo dadyaw kala duwan islamarkaana aminsan diimo kala duwan balse kuwada nool isjeclaansho iyo isxormayn midba midka kale.
Waxaana Deegaanka Soomaalida Itoobiya kunool boqolkiiba 99 dadka muslimka ah. Hadaba waxaa xafiiska nabadgalyada ee heer federaal iyo kan heer deegaan kusoo biiray muwaaqirka ah hogaanka sectorka diimaha.
Wuxuuna sectorkani hoos imanayaa xafiiska nabadgalyada iyadoo uu xubinka booskani uu leeyahay awood hogaan kuxigeen. Hadaba maxay tahay shaqo qeexida booskan?
Wuxuu dawlada wakiil uga yahay dabagalka arimaha diinta ee manhajyada, misaajida, maxkamadaha shareecada, madaarisooyinka, munaasibadaha diinta, iyo dhamaan hawlaha golayaasha arimaha islaamka. Wuxuua hogaaminayaa dhamaan hawlahaasi uu wakiilka ugayahay dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Hadaba booska muwaaqirkan ayaa la iswaydiiyay cida buuxin karta ee aqoonteeda leh, 4 mathhaboodna kajawaabi karta islamarkaana kamadax banaan xag-jirnimada, damaca danaysinimada, oo shacabka sumcad iyo kalsooni ku dhex leh.
Kadib markii laga tashaday, laga baaraan dagay, lafalanqeeyay dhankastana laga eegay, ayaa waxaa la isla qaatay inuu booskaasi buuxin karo Dr.Sheekh Nadiir Sayid Nuur islamarkaana waxaa loo aqoonsaday hogaamiyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee diinta ee DDSI.
Sheekh Nadiir ayaa maanta galinkii danbe bilaabay shaqada loo magacaabay ee xafiiska nabadgalyada DDSI, kaasoo fulin doona qorshayaasha shaqadan loo magacaabay.
Cakaaranews