Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Lax dhashay neef yar oo laba madax leh. Bal Mucjisadan la yaabka leh ee usbuucan la arkay nala daawada.

$
0
0

lambNinka beeralayda ahi waxa uu moodayey in ay indhihiisu wax kale u sawirayaan, kadib markiia ay lax adhigiisa ka mid ahi dhashay neef laba madax leh.

Inkasta oo ay qaab darantahay, haddana neefka yari aad buu u caafimaad qabaa, hooyadiina si fiican ayey isha ugu haysaa.

Meesha uu ku dhashay waxa ay ahayd Hohhot oo woqooyiga China ee xiga dhinaca gudaha Mangolia, marka sawirka laga soo qaadayna waxa loo malaynayaa in neefka yari jiray laba maalmood.

Xayawaankan layaabka lihi waxa uu leeyahay afar indhood, laba af iyo laba san, si kastaba ha ahaatee waxa uu awoodaa in uu naaska hooyadii si caadi ah u jaqo iyo in uu sida xoolaha kale soc socdo hareeraha hooyadii.

Mandatory Credit: Photo by HAP/Quirky China News/REX (4217729b)  Double-headed sheep  Lamb with two heads born in Hohhot, Inner Mongolia, China - 20 Oct 2014  A double-headed sheep has been born Hohhot, capital of northern China's Inner Mongolia. The 4-day-old lamb has two heads, which have four eyes and two mouths.

Xaaladdan naadirka ah ee uu neefku ku dhasho laba madax waxa loo yaqaannaa Polycephaly, si dhif ahna waxa laga dhex helaa boqortooyada xayawaanka ( Animal kingdom ). Dhinaca Adamaha waxa weli la hayaa dhacdo kaliya oo taariikhda gashay oo ilma yari oo ku dhashay laba madax sidaana ku badbaaday. Mataanihii isku dhejisnaa ee Abby iyo Brittany Hensel ayaa ahaa kuwo ku dhashay laba madax iyo jidh kaliya, kuwaasi oo illaa immiag nool da’dooduna ay tahay 24 jir.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles