Awdalpress(Newyork) 16 May, 13–Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa booqasho ku tagay dalka Maraykanka isagoo la kulmi doona Madaxweynaha Maraykanka oo ay ka wadahadlayaan arrimaha dalalka Carabta iyo Afrika.
Tayyib Erdogan Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa booqashadan muhiimka ah diirada ku saari doona xaalada ka taagan dalka Siiriya iyo dhaliil uu u wado dowlada Maraykanka.
Raysalwasaaraha Turkiga ayaa si weyn ugu dhaliilsan dowladaha Reer Galbeedka in aysan tilaabo cad ka qaadin xukuumada Bashaar Al Assad.
Obama iyo Erdogan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka wadahadlaan booqasho lagu wado Erdogan inuu ku tago dhulka Falastiin gaar ahaan marinka Gaza. Maraykanka ayaa horey uga codsaday hogaamiyaha Turkiga inuu baajiyo booqashadiisa oo ay ku sheegeen inay caqabad ku keeni karto waan waanta nabada ee ka socota bariga dhexe.
Sidoo kale arrimaha Afrika ayaa kamid ah qodobada ay ka wadahadlayaan dowlada Maraykanka iyo hogaamiyaha Turkiga, xili dowladaasi Turkiga ay awood dhaqaale iyo siyaasadeed kusii yeelaneyso wadamo badan oo kamid ah dalalka Islaamka ee Qaarada Afrika.
Dhanka kalena Madaxweynaha Maraykanka ayaa casilay madaxii hay’ada canshuuraha ee dalkaasi Maraykanka IRS, kadib fadeexad lasoo gudboonaatay hay’adaasi oo la sheegay inay ku kacday falal ka baxsan sharciga.
Hay’ada IRS ayaa lagu eedeeyey inay si gaar ah u bartilmaasadeen dadka taageera siyaasada garabka (Midig) gaar ahaan xisbiga (Tea Party) oo kamid ah xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi Maraykanka.
Waxaana la sheegay in shaqaalaha IRS qaar kamid ah ay ku cadaadiyeen dadka taageera xisbigaasi bixinta canshuuraha, halka ay ka daahiyeen dadka loo celiyo canshuurta qaar, halka ay kusoo rogeen baaritaano dheeraad ah dadka xisbiyadaasi taageera.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in casilaada Madaxa IRS aysan ahayn tilaabo ay ku qancayaan balse ay doonayaan in xabsiga la dhigo qaar kamid ah shaqaalaha IRS ee sharciga jabiyey.
Awdalpress