Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Tacsi ku socota eheladii Marxuumad Mako Jamac Ordaaye

$
0
0

tacsi1INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Dhammaanba dadka hoos ku qoran iyo Jaaliyadda Somaliyeed gaar ahaan Jaaliyadda reer Awdal waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diyaraan eheladii ay ka baxday Marxuumad Gaashaale sare Mako Jamac Xuseen Ordaaye, oo ka mid ahayd gabdhihii ugu horreeyey ee dalkii la odhan jiray British Somaliland waxbarasho loogu bilaabo, waxana ay waxbarashii ugu horreysey ka bilowday dugsigii Burco ee Gabdhaha sannadkii 1953gii, Muddo yar oo ay macallimad ahayd kadibna,  waxa waxbarasho loogu diray dalkan Ingiriiska. Marikii ay waxbarashada soo dhammaysatayna waxa ay ka mid noqotay saddexdii gabdhood ee ugu horreeyey ee saraakiil loogu qaato ciidankii Police ka Somaliyeed. Halkaasi oo ay muddo dhawr iyo labaatan sano ah ka shaqaynaysey taliska guud ee ciidanka Police-kii Somaliyeed, waxana ay ciidammada Police-ka ka gaadhay darajada Gaashaanle sare amma COl. Bilowgii siddeetanaadkiina waxa ay noqotay amma loo magacaabay maareeyaha wakaaladdii gaadiidka qaranka Somaliyeed. Halkaasi oo ay ka shaqaynaysey ilaa iyo bur burkii dalka.

Muddadii ka dambayseyna waxa ay u boqooshay dalka Kanada oo ay ku noolayd magaalada Otowa, oo ay ugu dambayna 25/10/14  ku geeriyootay. Alla u naxariistee Mako waxa ay la soo shaqaysay dawladihii Somaliya ee lixdannadii illaa iyo sagaashannadii ay u shaqayneysey. Marxuumad Mako Allaha u naxariistee waxa ay leedahay taariikh aad u dheer, waxanan rajaynaynaa in aan dib ka soo qori doonno taariikh nololeedkii marxuumadda.

1) Bashir Sh. Omer Goth

2) Abdirahman Abdilaahi Jimcaale

3) Abdirahman Haji Dahir Elmi (caydiid)

4) Hassan Muse Khaliif

5) Abdirahmaan Omer Bille

6) Ahmedweli Sh. Omer Goth

7) Ibrahim Mohamed Amin

8) Mohamed Omer Bille

9) Abdirahman Omer Egeh

10) Abdi Egeh Ahmed

11) Abdi Mahmoud Ismail ( Abdiweyne)

12) Hussein Osman Duale

13) Ahmed Ibrahim Tani

14) Nur Farid

15) Mustafe Aden Ahmed

16) Mohamed Aden Ahmed

17) Rashid Nur Cige

18) Mohamed Ibrahim Hussein

19) Aden Ilmi Mohamoud ( Dallacaaye )

20) Yusuf Ali ELmi

21) Elim Ahmed

22) Mahmoud Omer Sh. Ibrahim

23) Hussein Egi Mayke

24) Abdirahman Ali Kaahiye

25) Abdifatah Xasan Xaaji Daahir

26) Omer Hussein

27) Mohamed Osman Hufane

28) Abdirahman Abdillaahi Amin ( Atom )

29) Jamac Dahir ( Jamac Afrikan )

 

Intaa iyo dhammaan Jaalidda reer Awdal ee Ingiriisku waxa ay dhammaantoodba Marxuumadda Ilaahay uga baryayaan in uu Jannadii ka waraabiyo, ehelkeedii oo ay carruurteedu ugu horreeyaanna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images