Mudane Cabdi Good waa shaqsi baryahan danbe dadka aad u maaweeliya, waxana uu ku caan baxay dabashada heesaha oo uu isku taxalllujiyo in uu si taban wax uga sheego. Subxaanaka Yaa Cadiim. Waxana hal hays immiga dadku wada isticmaalaan ku soo kordhiyey sheekada Somalida, hal hayskaa oo ah SUBXAANA YAA CADIIM. Oo ah kalimad aad u wanaagsan.
Haddaba bal maanta aan soo qaadanno, heesta dabinka kugu jirta iyo fannaanka qaada oo uu xuurto ku qabtay. Waxse ka biyo diiday wariye Abdillaahi Mohamed Ali oo facebook-gayga ii soo dhigay muuqaalkan hoose. Isaga oo ku tilmaamay suugaan dhaadhiye. Fannaanka uu cabudhinayana ku tilmaamay mid aan geyin xag xagasho, oo aad u cod macaan.
Bal nala daawada.
Awdalress





