Awdalpress(Muqdisho) 26 Oct, 14–Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Beyle oo si kooban warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ka hor intuusan ambabixin, ayaa sheegay inuu Addis Ababa uga qeyb-galayo shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.
Wuxuu sheegay in shirka uu ku saabsanaan doono horumarinta iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah IGAD, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu shirka ahmiyad gaar ah u yeelan doono Soomaaliya.
RBK






