Awdalpress(Hargaysa) 27 Oct, 14– Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee Somaliland ayaa aragtidiisa ku wajahan khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay golaha iyo xukuumada kaga hadlay Barta Facebook uu ku leeyahay, Aragtida uu soo dhigay bartaasi gudoomiye Ciro ayaa u qornayd sidan ” Nasiib-darro waxaa maanta baaqday Ansixinta Xubnaha Gudida Doorashooyinka oo Golaha Wakiiladu u ballansanaa kadib markii Xildhibaanada Taageera Xukuumadda Kulmiye ay ka maqnaadeen Golaha.
Waxaan filayaa inay ka danbaysay shirkii shalay ka dhacay guriga Madaxweyne ku-xigeenka Mr. Saylici.
Waxaa Marag-ma-doon ah in Xukuumaddu ay u tafaxaydatay carqaladaynta hawlaha Doorashooyinka si muddo kordhin loogu sameeyo.
Hadii ay doorashadu dhici weydo waxaa dhaawac weyni soo gaadhayaa …geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo Qadiyadda Somaliland.
Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa inay ixtiraamto heshiisyadii axsaabta qaranka iyo is-afgaradkii dawladaha la Saaxiibka ah Somaliland ee inaaga taageera doorashooyinka iyo in la dhowro kala-madax-banaanaashaha Waaxaha Dawladda.
Shacabkana Waxaan usoo jeedinayaa inay markhaati ka noqdaan ficilada xildhibaanada iyo xukumaadda Kulmiye ee xaalad abuurka ah.
Cabdiraxmaan ?#?CIRRO?
↧
Gudoomiye Ciro siduu u Arkaa kulankii baaqday ee Baarlamaanka Somaliland iyo Xiisada taagan
↧





