Xafladda loogu magac daray Somali week ee sannad walba lagu soo bandhigo fanka iyo suugaanta Somalida waxa sannadkan ka soo qayb galay aqoonyahano luxdan oo ay ka mid tahay gabadha cajaa’ibka ah ee la yidhaa Sahra Ahmed Koshin, oo waxbarasho sare ka wadda dalka Ingiriiska, laakiin immiga ka shaqaysa Puntland. Waxana ay xafladda sannadkan kaga qayb gashay gabayo ay qortay, oo mid ka mid ah ay ku heshay ABAAL MARIN caalami ah.
Sahri markii ay gabayga la magac baxay I AM A SOMALI WOMAN bilowdayba waxa dadkii intooda badan indhahooda qariyey illin qaarna oohin ayey is hayn kari waayeen, waxana ay sawir cajiib ah ka bixisay hooyada Somaliyeed iyo meesha ay taallo. Quruxda gabayga waxa ka darraa codka macaan ee ay ku soo gudbinaysey oo dadka qalbigooda taabanayey.
Bal aan wada dhegeysanno.
Awdalpress





