Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muddaharaad lagaga soo horjeedo khilaafka Madaxda ugu sarraysa Somalia oo ka dhacay Boosaaso. Iyada oo haddana lagu taageerayey ra’iisal wasaare Abdiweli.

$
0
0

bannaan baxAwdalpress – Boosaaso – Maanlintii shalay waxa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ka dhacay dibad bax balaadhan oo lagaga soo horjeeday Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Mudane Cabdi Wal Sheekh Axmed.

Dibad baxayaasha ayaa watay boodhadh ay kaga soo horjeedaan Khilaafka ka dhax curtay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxana ay ugu baaqayeen in la joojiyo Khilaafka loona guntado sidii looga gudbi lahaa Khilaafaadka iyo waxbaaha dib u dhaca u keeni kara Dowlada Federaalka.

 

Sidoo kale Dibad Baxayaasha ayaa taageera u weyn u muujiyay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Wali Sheekh Axmed , waxana ay tilmaameen dibad baxayaashu in ay soo dhaweynayaan isku shaandheynta uu R/Wasaaraha kusameeyay Golaha Wasiirada.

Qaar ka mid ah dadkii isugu soo baxay magalada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka xunyihiin khilaafka cusub ee madaxda dowladda soo kala dhexgalay, iyadoon ugu baaay in si deg deg ah loo xaliyo khilaafaadkaasi.

Dadka dhigayay Dibad baxa looga soo horjeeday Khilaafka Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa socod waxa ay ku mareen Wadooyinka Magaalada Boosasao, waxa uuna dibad baxa kusoo dhamaaday si nabadgalyo ah.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images