Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hawlgallo ay ciidammada ammaanka Somalia ka sameeyeen xaafado ka mid ah Muqdisho iyo dhalin yaro Alshabaab ka tirsan lagu soo qab qabtay.

$
0
0

breakingnewsAwdalpress – Muqdisho – Wararka Muqdisho saaka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in maamulka Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ay sameeyeen hawlgallo ay ammaanka ku sugayeen.

Idaacadda Codka Ciidamada ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho ayaa waxay baahisay in howlgal laga sameeyey Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Muqdisho lagu qabtay ilaa 7 dhalinyaro ah oo lagu sheeegay inay ahaayeen ama katirsanaayeen Ururka Al Shabaab.

Sargaal u hadlay Taliska Ciidanka Booliska Degmada Hodan ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada lagu qab qabtaytay howlgal gaar ah oo ciidanku ku bartilmaameedsadeen  dhalinyaradaasi oo hadda gacanta ciidanka Amaanka Degmadaasi ku jira.

Baadhitaannada ay sameynayaan ciidanka Nabad sugida iyo kuwa Booliska ayaa inta badan waxa lagu qab qabtaa tiro dad ah, iyada oo haddana ay magaalada meelo ka mid ah ka dhacaan falal lidi ku ah Nabad gelyo.

Shalay oo u dambeysay waxa Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan lagu weeraray Xildhibaan C/llaahi Xasan Rooble oo katirsan Baarlamaanka Somaliya iyadoona dhaawac fudud uu weerarkaasi kasoo gaaray xildhibaan.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images