Waddo dhex marta magaalada Dallas ee gobolka Taxis ee Maraykanka ayaa golaha degaannada gobolkaasi oggolaaday in loo bixiyo magaca magaalada Borama. Taasi oo laga dhex arki karo in wakhti aan dheerayn la mataanayn doono magaalada Dallas ee magaalo madaxda u ah gobolka Taxis ee dalka Maraykanka.
Magaaladan ayaa waxa ku nool Jaaliyad tiro badan oo reer Borama ah, waxana ay ka dhex muuqdaan shaqooyin iyo hay’ado muhiim ah oo ay jaaliyaddaasi hoggaamiso.
Fannaanka weyn ee Farxaan Xiddig oo si fiican isugu soo sawiray dariiqaa loo bixiyey Borama ayaa iiga warramay quruxda jidkaasi. Sidoo kale waxa iiga sheekeeyey quruxda magaaladaasi iyo sida ay ugu eg tahay magaalada Borama. Rajada weyn ee uu qabaana waxa ay tahay sida ay suurta gal u noqon karto mataanaynta magaalada Dallas iyo Borama. Iyo sidii Jaaliyadda reer Borama ay uga hawl geli lahayd xidhiidh dhan walba leh oo ay yeeshaan Borama iyo Dalas. Si buu yidhi ay da’yarta soo koraysa ee Jaamacadda Cammuud oo kale waxbarasho ugu tegi lahayd gobolka Taxis oo ka mid ah gobollada ugu qanisan USA.
Awdalpress





