Awdalpress(Muqdisho) 29 Oct, 14–Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu mahad celiyey xogahayha guud ee Qaramada Ban Ki Moon,madaxweynaha kooxda bangiga adduunka Jim Kim iyo madaxweynaha bangiga horumarinta dalalka Islaamka Dr Ahmed Mohamed Al-Madani.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in kulan xasaasi ah uu la yeeshay xubnaha beesha caalamka ee maanta yimid Muqidsho, wuxuuna sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si weynu soo dhoweynayaan taageerada loo ballan qaaday dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo nooleyn doonto xubnimadii ay ku laheyd Bangiga adduunka iyo bangiga horumarinta dalalka Islaamka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo goobta ka hadlaya ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay isbadalka amni iyo horumar ee Soomaaliya sameysay tan iyo wixii ka dambeeyey markii ugu dambeysay ee uu socdaalka ku tagay Muqdisho bishii December ee 2011.
Moon ayaa yiri ” Waan ku faraxsanahay in socdaalkaan uu igu waheliyo madaxweynah kooxda bangiga addunka iyo madaxa bangiga horumarinta islaamka. Waxaan sidoo kale ila socdo wakiilo sare oo ka socda midowga Africa, midowga Yurub iyo ururo kale oo badan. Waxaan wadnaa laba farriin. Marka hore waan fahamsanahay caqabada siyaasadeed, horumarineed iyo dhismaha dowlad wanaag ee dalka uu wajahayo. Waxaa naga go’an in aan idin ka taageerno sidii wax looga qaban lahaa arrimahaas”.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa yiri ” Tan labaad waxaan ku kalsoonahay in Soomaaliya ay xoogga saareyso horumarka, ayna jiraan waxyaabo badan oo loo baahan yahay. In badan oo ka mid ah waxyaabah la qabtay waxay tilmaamayaan in Soomaaliya ay ku socoto jihada wanaagsan. Waxba lama horumarin karo dowlad wanaagsan la’aan. Horumarinna lama sameyn karo nabad iyo amnni la’aan. Sidaas darted waa in nabadda iyo horumarka ay isla socdaan. Taasi waa sababta. Mudanayaal iyo Marwooyin si tartiib ah Soomaaliya waxa ay ka soo kaceysaa qaraw muddo dheer ay ku jirtay”
Ban Ki Moon ayaa ku celceliyye in awoodda la Alshabaab wa la burburiyey balse weli aan si buuxda loo ciribtirin, wuxuuna ugu hambalyey ciidamada qaranka Soomaaliya iyo AMISOM Kaalinta ay ka cayareen in Nabadda iyo daganaansha dib loogu soo celiyo Soomaaliya, isagoo intaa sii raacieyey in ay muhiim tahay in maamulo loo dhiso goobaha dhowan laga xoreyey kooxda Shabaab.
Madaxweynaha bangiga adduunka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka taageeri doonaan mashriicda dib u dhiska iyo arrimo kal eoo badan..
RBK
DAAWO VEDIOGA BANKIN MOON





