Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Taliyihii ciidammada police ka Somalia oo si kadis ah ugu geeriyooday cusbatal ku yaalla Moqdisho, baadhisna loogu qaadayo Nairobi iyo Taliye ku meel gaadh ah loo ra’iisal wasaaraha Somalia magacaabay goor dhaweyd.

$
0
0

taliyaha-booliskaAwdalpress – Muqdisho – Maanta oo ay taariikhdu tahay 30/10/2014, waxa si kadis ah ugu geeriyooday cusbatal ku yaalla Muqdisho, taliyihii ciidanka Police ka Somalia Mudane Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil .

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa markii ugu horreysey la sheegay in  wadnuhu is taagay , sababtaa oo uu durbadiiba u geeriyooday. Laakiin waxa immiga la sheegayaa in shaki badani hadheeyey geerida Taliyaha oo loo qaadayo Nairobi.

Dhanka kale, R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed  ayaa xilka Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed  bilo yar ka hor u magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii ka horeeyay ee  Jen Saacid.

Warka laga helaayo dhanka Saraakiisha Ammaanka Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in Meydka Taliyaha maalinta bari ah loo qaadi doono Magaalada Nairobi si baaritaano loogu soo sameeyo.

Warar hoose oo ay saxaafadaha qaar ka heleen ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw Saraakiisha Ammaanka Somalia ayaa tibaaxaya in ay shaki weyn ka qabaan Geerida Taliyaha oo loo badinaayo in lagu duray Dawo qaldan, waxaana la soo sheegayaa in Ciidammada Ammaanku ay goor dhow albaabada u laabeen Isbitaalka uu ku geeriyooday Taliyihi Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen, Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka Somalia ay goor dhowayd gaadheen Isbitaalka oo lagu magacaabo Umi islamarkaana ay Albaabada iskugu dhufteen geerida Taliyaha Boliska kadib.

Sidoo kale, Ciidammada ayaa xidhay Dhakhaatiirta duray Taliyaha, waxaana la sheegayaa in loo dhaadhiciyay xarumaha Ciidammada Ammaanka, kadib markii shaki ku yimid geerida Taliyaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isla maanta magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban shan xubnood oo baadhitaan ku sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxaana ay kala yihiin.

1-Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)

2- Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)

3- Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)

4- Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)

5- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed ee muddada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horraantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isaga oo wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.

Ra’iisal  Wasaare Abdiweli ayaa ummadda Somaliyeed iyo qoyskii uu Taliyuhu ka geeriyoodayba uga tacsiyadeeyey, waxana uu ka sheekeeyey wax qabadkii taliyaha uu ahaa.

Kadib, waxa isla maanta uu Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska kadib markii uu maanta geeriyooday taliyihii Booliska Soomaaliyed.

Taliyaha Cusub ee goorta dhow la magacaabay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) oo si KMG ah u sii heyn doona xilka Taliyaha ciidanka Police ka Somalia,  inta laga soo magacaabayo Taliye.

Taliyaha Caawa la magacaabay ayaa waxa uu xilkaasi sii heyn doona inta laga soo magacaabayo Taliyaha Cusub waxa uuna booska ka bedelay Allaha u naxariistee General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Gen Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) ayaa ka mid ahaa saraakiishii hore ee Ciidamada Soomaaliya waana nin si weyn loogu yaqaano dalka.

Dhanka kale, Magacabista Raíisal Wasaaraha u magacabay Gen Gas Gas ayaa loogu dhawaaqay shir jaraa’id oo goor dhaw Muqdisho ku qabtay Ra’iisal Wasaaraha dalka.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images