Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Khaarajiga Somalia oo sheegay in Khilaafka madaxda xukuumadda Somalia uu saamayn weyn ku yeelan doono horumarka dalka ka socda.

$
0
0

BeyleAwdalpress – Dubai – Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Xasan Sh. Maxamuud iyo C/weli Sh. Axmed uu caqabad ku noqon karo dowladnimada iyo horumar la gaadhsiiyo Soomaaliya.

Dr.Bayle oo ku sugan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wareysi VOA-da uu siiyay ku sheegay in khilaafka madaxda dalka ku dhex jira uu dhib ku keeni karo horumarka dowladda.

“Khilaafka u dhexeeya madaxda dalku wuxuu saameyn ku yeelan karaa wixii ay dowladdu horay u qabatay, Beesha Caalamka ayaana hadda isku dayaysa inay xal u hesho khilaafkan, waana la soo afjari doonaa,” ayuu yiri Bayle.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xusay in la doonayo in sannadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, isaga oo intaa ku daray in haddii uu sii socdo khilaafka siyaasadeed ay dhici karto in doorasho ay ka dhici weydo dalka.

Madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarahiisa ayaa khilaafkoodu si buuxda dibadda ugu soo baxay horraantii toddobaadkan, kaddib markii uu ra’iisul wasaaruhu isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiirrada taasi oo uu  madaxweyne Xasan Sheekh ka biyo diiday.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu dhawaan Muqdisho ka sheegay guddoomiyaha baarlamaanka in khilaafkan u dhexeeya madaxda dalka lagu xallin doono hab dastuuri ah, ayna Somalia u dhan yihiin hay’adaha dastuuriga ah oo xal ka gaari kara khilaafyadan sidan oo kale ah.

Isku-dayo badan oo lagu doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa ayaa lagu guul-darreystay, iyadoo mas’uul walba uu ku adkeysanayo go’aankiisa ku aaddan khilaafka u dhexeeya.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images