Awdalpress – Muqdisho – Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdiso ayaa sheegaya in goordhaweyd Garoonka laga soo dajiyay Meydka Allaha u Naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan.
Meydka Taliyaha ayaa loo qaaday Maalintii shalay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya si baadhitaanno loogu soo sameeyo, taasi oo ay keentay tuhuno la xadhiidha in laga yaabo in Taliyahu uu u geeriyooday Sun loo qariyay.
Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Meydka Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed , waxaana la billaabay oo socota qaban qaabo aas qaran loogu sameenayo Taliyaha Geeriyooday .
Wali lama oga natiijada ka soo baxday baadhitaanka lagu sameeyay Meydka Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo shalay loo qaaday Magaalada Niarobi. Dhinaca kalena waxa baadhitaanka arrintan loo xilsaaray Wasiirro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, kuwaasi oo laga yaabo in ay ka warbixiyaan natiijada baadhitaannada lagu sameeyay Meydka Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Awdalpress