Muqdisho – Awdalpress – Waxa baryahanba cirka isku sii shareeraya khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxweynaha Somaliya Mudane Hassan iyo ra’iisal wasaarahiisa Mudane Abdiweli. Sida warar hoose sheegayaana waxa khilaafkoodii uu gaadhay heer beesha caalamku ka adkaysan weydo. Kadib markii ay heleen xogo la isku adeegsanayo xildhibaannada oo la sheegayo in lacag lagu laaluushayo, si ay u ansixiyaan mooshin lagu afganbiyayo ra’iisal wasaaraha.
Arrintan oo wakiilka qarammada midoobay uu si cad oo aan qarsoodi lahayn ula hadlay golaha baarlamaanka iyo madaxda is haysa. Waxana ay beesha caalamku ka giigtay shakhsi jeclaysiga iyo xadgudubka sharciga ee aanu shaqaynayn dastuurku. Waxana uu wakiilka QM ku hanjabay in aanay faraha ka laabanayn fara gelinta khilaafka Madaxda Somalia. Oo uu sheegay in ay khatar ku tahay hannaanka dawladnimo ee lagu tallaabsaday iyo horumarka dalka ka bilaabmay ee habka Federaalka ah.
Haddaba xalay ayaa kulan saacado socday oo ka dhacay Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh iyo guddoomiyaha baarlaamanka Maxamed Sheekh, kulankan uu ahaa kii u horreeyay oo si ka fool ka fool ahi u dhex-mara madaxda ugu sarreysa dalka tan iyo markii uu soo baxay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.
Inkastoo aan la ogeyn qodobbada rasmiga ah ee ay madaxda waddanku uga hadleen kulan-kooda, haddana wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in kulankii xalay looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee khilaafka siyaasadeed iyo sida loo soo afjari lahaa. Waxaa kaloo kulankooda ay kusoo qaadeen war kasoo baxay wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia iyo wakiilka Midowga Yurub, kaasoo walaac looga muujiyay khilaafka u dhexeeya madaxda dalka iyo inuu saameyn karo dadaallada Soomaaliya lagu gaarsiinayo doorasho sannadka 2016-ka.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in madaxda dalka ay ka si aad ah uga gil-gisheen fara-gelinta arrimaha Soomaaliya ee dibadda ka imaanaysa iyo walaaca kasoo yeeray beesha caalamka, taasoo sababi karta sida ay ku sheegeen kulankooda in Soomaaliya marxalad ka duwan midda ay hadda ku jirto la geliyo.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegay inuu wado qorshe la doonayo in looga baaqsado mooshin laga keeno ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed, kaasoo ololihiisa maalmihii u dambeeyay ka socday Muqdisho, si taas looga baaqsadana isku shaandheyn guud lagu sameeyo xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul waasaraha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhawaan sheegay inuu socdo dadaal lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, kaa soo ka dhashay isku-shaandeyntii koobnayd ee uu ku sameeyay xukuumaddiisa uuna madaxweynuhu kasoo horjeestay.
War-saxaafadeedkii danjire Nicholas Kay iyo walaaciisa la xiriira in codkooda laga iibsanayo si xukuumadda loo rido, kaasoo uu sheegay inuu dhabar-jab ku yahay horumarka la gaaray, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada inay ku shaqeeyaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu kaga jawaabayo hadalka danjire Nicholas Kay, isagoo sheegay in madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.
Awdalpress