Awdalpress – Hargeysa – Madaxweyne siilanyo ayaa maanta hadala uu jeediyey kaga warramay arrimo xasaasi ah oo muddaba dhex mirayey bulshada Somaliland iyo golayaasha siyaasadda dalka.
Salaan iyo duco uu u jeedinayo dadka gudaha iyo dibaddaba kadib, waxa uu uga warramay horumarka iyo sida uu u jecel yahay in uu dalka gaadhsiiyo horumar la loo baahan yahay. Sidoo kale waxa uu si cad uga hadlay hadallada dibadda la walqinayo ee uu ku sheegay in aanay xaqiiqda ahayn.
Dhanka kale shakiga ka saaray, xantii ahayd in aanu Madaxweyne caafimaad qabin. Waxa kale oo uu runta ka sheegay dadka ku qawlaysta magaca SNM ee sheekadoodu tahay mid dadka ay ku kala qaybinayaan, oo uu ujeeddadoodu tahay mid dano gaar aa leh.
Bal halkan ku soo dhawaada warkii oo maqal iyo muuqaalba leh.
Awdalpress