Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

SHEEKO: Dadka waan ka horreynaaye suga waa la inna soo gaadhiye.

$
0
0

Ahmedweli4Sheekadan ka faa’iidayso.

 

KAFTAN aan hor marsadee…..waxan ka soo jeedaa degaan ay dadkiisu neceb yihiin qabyaaladda. Dadka ku dhaqmana aad u neceb. Sababta ay u neceb yihiin markaan u gunda degeyna waxan ogaaday in ay fahamsan yihiin in aanay caddaaladda iyo qabyaaladdu waxba wadaagi karin oo ay iska soo hor jeedaan. Sidaasi daraaddeed haddii qabyaaladda lagu dhaqmana ay caddaaladdu meesha ka baxayso.

 

Haddana waxan ogahay in dadka degaammadayadu ay lahaayeen dhaqan qabiil iyo oday dhaqmeedyo u taagan maamulka degaankayga. Mar kale ayaan haddana taa wax iska weydiiyey. Oon is idhi oo mar haddii maamul qabiil jiro sidee baan u odhan karraa qabyaaladda ayey dadkaygu neceb yihiin. Kaddib waxa aan galay daraasad. Waxana ii soo baxday in ay maamulkii dawladeed oo kale u matilayaan ummadda. Oo la’aantood ay wax badan oo nabadgelyadu ugu horreysaa meesha ka bixi lahayd.

 

 

Laakiin markii aan degaammada aan ollogga nahay eegey sida ay qabyaaladda uga daba dhacaan. Ee ay uga midaysan yihiin ku dhaqanka qabyaaladda iyo taageerada qabiilka. Ee xataa ay maamulkii dawladnimo iyo caddaaladdii u dhex gashay. Dhaqankoodiina uu noqday reer hebel baan nahay. Reer hebella innaga maaha ee innaga fogeeya. Ayaa dadkaygii mooday amma is fahamsiiyeen inlaga badiyey shacab ahaan. Waxanay ku jaha wareereen sidan dadkii qabiilka jeclaa uga faa’iideen. Ee ay iyaguna keli kelida u nool yihiin.

 

 

Balse sidii ay moodayeen ee buuqa iyo qabiil u guclayntu ahayd way soo gaabatay. Qaadhaankii qabiilka ee hebel aan madax ka dhigno iyo shirkeenna reer hebel aan lacag u ururinno ayaa beenteedii la fahmay. Inkasta oo shacabka kolba ay dhinac kaga soo baxayaan dillaalliilnta qabiilku. Oo maalin walba mooshin xasaasiyad iyo xasarad abuura ay fagaarayaasha la imanayaan.

 

 

Laakiin haddanna dadkii hore maalkooda loo guran jiray ee deynka u geli jiray qabiilka diinta looga dhigay iyo siyaasadda ruwaayadda ah,  ayaa is wada nacay. Waayo wax faa’iido ah way ka gaadhi waayeen hantidoodiina way kaga dhammaatay. Kuwii ku adeegan jirayna waa la bartay oo suuq danbe ma laha.

 

 

Markay sheekadii qabiilaysigu isa soo xidhay iyada oo dadkii ku dhaqmi jiray la arkay in ay xumaan uga dhaadhaceen oo shacabkii isku baahnaa kala qoqobeen. Iyaga laftoodii isku neceen oo is aamminkii dhexdoodu uu meel madhan noqday. Ayaa nin caqli badan oo dadka dagaankayga ahaa  hal hays u lahaa….DADKA WAAN KA HORREYNAA EE SUGA WAA LA INNA SOO GAADHI DOONAA …uu yidhi maxaan idin lahaa.

 

 

Ka gudub oo aan qaybtan kale u gallo:

 

 

Muddaba waxa aan isku arkayey ka Somali ahaan ama la ii arkayey in ummad ahaan ( Somali ). Aan ugu liito qoomiyaha adduunka,  iska dhaafe Afrika ugu liito. Waxanse ogaaday in bur burka iyo dhinbaatada dalkaygii iyo dadkaygii ku habsatay ay horseedday ilbax iyo horumar. Maantana aan caalamka meel fiican kaga jirro. Rafaadka yar ee dhexdeenna ka sii muuq muuqataana ay dhammaad ku dhowdahay.

 

Dal ahaan baa tuula walliba innoo dhisantay. Da’yartii soo koreysey ayaa nasiib u heshay Jaamacado gudaha dalka ku yaalla iyo kuwa dibaddaba. Dhaqaalaha shacabka gudo iyo dibadba ayaa aad isku soo taraya. Qaarad wal oo dunida ku taal ama dal wal oo dunida ku yaalla waxad ku arkaysaa Somali ka xoogsanaysa, wax ku baranaysa, ganacsi iyo shirkado ku leh. Gudaha dhulka Somalidu degto iyo magaalooyinkiisa hadalkiisaba daa.

 

Siyaasad ahaan ayaa iyana loo bislaaday. Waxanan maraynaa in sida waddammada Yurub aan maamulkii ku fidinno gobollada iyo tuulooyinka. Halkii awal caasimadda uun la isugu ururi jiray. Waxa gobollada ay Somalidu ka degto geeska Afrika ka qabsooma doorashooyin xor ah, hannaan maamul oo sal ballaadh ah iyo barnaamijyo horumarineed.

 

Qabyaaladdii iyo kala cararkii fawdadu keentay ayaa laga bogsoonayaa. Waxanad mooddaa in immiga uun laga soo toosay kooma lagu jiray. Taariikhdii madoobayd ee la soo maray ayaa dib loo milicsanayaa. Iyada oo waxa badan  la iska weydiinayo. Si aanay dhibtan oo kale dib ugu soo noqon dalka waxa habboon in la qoro. Oo jiilka soo koraya loo dhigo.

 

Waxa dhulka Somalida ka hana qaaday maamullo democratic ah oo ay golayaashu si xor ah ugu wada doodaan. Waxana meesha ka baxday dictatorship kii iyo anaa awood wax ku muquuninaya. Wada tashi iyo wada hadal ayaana hawlaha lagu gorfeeyaa. Isku tanaasulkii ayaa la baranayaa.

 

Sidani waa dariiq ay ummado hore soo mareen. Casharradii ay ka dhaxleenna ay noqdeen kuwo ku hoggaamiya horumar iyo badhaadhe. Innaguna waxan ku joognaa tubtaa. Rajada la qabaana waa in aan noqonno ummad magac iyo maamuus ku leh caalamka. Ubadkeennuna ay mahadiyaan.

 

Ahmedweli Goth

Barta facebook igala soo xidhiidh

cinwaanku waa isla magacayga

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles