Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WAR DEG DEG AH; Xaruntii Baarlamanka Somalia oo mar kale ay ka bilaabantay arrin aan caadi ahayn.

$
0
0

Breakingnews.Awdalpress – Muqdisho – Wararka shabakadda awdalpress.com ay ka heleyso Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaweyd Xildhibaano katirsan Baarlamaanka gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah R/Wasaaraha Soomaaliya ay la wareegeen Warqada saxiixa Xaadiriska Xildhibaanada Baarlamaanka.

Inta badan Xildhibaanada Baarlaaanka ayaa gudaha u galay xarunta Golaha Shacabka , waxaana hada la soo sheegayaa in xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay qaateen warqadda ay ku qoran tahay magacyada xildhibaanada Baarlamaanka laguna xaadiriyo Xildhibaanada kulanka jooga.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaan weli soo xaadirin kulanka , waxaana laga war sugayaa marka ay yimaaddaan waxa dhici kara, waxaana hadda kulanka Baaralmaanku uu yahay mid aan furmin oo laga cabsi qabo in mar kale ay fooddo ka dhacdo.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa hadii uu furmo in Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybiyo mooshinka Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka soo gudbiyeen R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles