Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID Ali Guray, oo caan ku ah wax ka sheegga siyaasadda Ahmed Siilaanyo iyo dawladdiisa, ayaa si aan caadi ahayn ugu talax tegey madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Abdiraxman Saylici oo inta badan aan lagu dhic dhicin.
Ali Guray, oo dhinac walba kala maray Saylici hadallo sumcad dil ah ayaa warqad dheer ku soo qoray facebook giisa iyo shabakadaha, taasi oo uu ku eedaynayo Saylici iwm. Warqaddiina sidan ayey u qorrayd.
Saylici wuxu ugu liitaa 4-tii Madaxwayne-xigeen ee soo maray S/land. Uguma liito uunee weliba wuu ugu nacasay- san yahay.
SIDI SIDIDAADA MOOYEE DHUL U DHAACAAGA HUBSO
Maahmaah horaa tidhaa “Af noolina wuu hadlaa ayna wuu ciyaa”.
Nafta loo dudayo saylicina wuu faanayaa! Marka aynu dib u eegno taariikhda Somaliland Saylici wuxu ugu liitaa afartii Madaxwayne xigeen ee soo maray Somaliland. Uguma liito uun ee weliba wuu ugu nacasan yahay. Xukuumada hore uu sheegayaa waa tee miyaanay ahayn tan dib loo soo wada qaatay ee weliba loo kala doortay sidii ay u sii kaka xumaayeen. Xildhibaanadii ka soo baxay UDUB halkay ku dambeeyeen? Malaha Saylici maba oga inay ka mudan yihiin kuwii ka soo baxay KULMIYE oo iyagu ay noqdeen xildhibaanada idman ee madaxtooyada. Malaha marka uu ku shirinayo furigiisa maba eego hareerihiisa ama maba kala yaqaano halkay ka soo kala baxeen.
Inu Axmed Silanyo u soo qaato ku xigeenkiisa waxay ahayd nasiib darro uu goor dambe ogaaday iyo cawsle loo muuseeyay oo looga dhigay Aladii Maa Bacdu laakiin markii natiijadii doorashadu soo baxdayba wax buu ogaaday. Mudo yar markii uu xilka hayayna Madaxwayne Silanyo wuu isku qoomameeyay waayo wuxu isku darsaday liitinimo iyo cuqdad. Calool xumada waa dadka la yidhaa uurkuu timo ku leeyagay sida uu u dhaqmona waxad moodaa nin ciilan oo la soo dulaysan jiray. Markuu Bahabar celi yahay Maxamed Casaha kaluu ciil u qabaa markuu Maxamed Cse yahayna Makaahil buu ciil u qabaa qabyaaladiisuna ma dhaafto intaa iyo gadabuursi dhexdiisa
Allow yaa ogaada? Maanta musharanimadiisu qiil kale oo bixi waaya mooyaane in aanu u laba lugoodiyeen Axmed Silanyo inu daaqada ka saaro waayo intii aan la baran codkii uu keeni waayay ma maanta oo la bartay buu keeni? Intii uu xilka hayay Saylici wuxu ahaa haduu joogayna NIN JOOGA OON LA TIRSAN oon la is waydiin ama la odhan waar bal arinka waa kan jooga eh aan wax ka waydiino. Haduu maqan yahayna wuxu ahaa NIN MAQAN OON LA TEBIN oon la odhan Saylici baa maqane arinku sidaa muu noqdeen ama intuu soo noqonayo aan arinka la sugno. Haduu safar u baxayo lafteedana wuxu ahaa NIN TEGAYA OON LA OOLIN oon la odhan arin baa jira eh noo ool lagaagama marmi karo eh.
Intii ay socdeen shirqoolada ka dhanka ah Xeer Lam.37 iyo ansixinta xubnaha Komishanka doorashooyinka gurigiisa ayaa daarul nadwa ahaa oo lagu soo maleegayay shirqoolada ilaa hadana laga soo abaabulaa oo waxa ugu dambeeyay kii maanta ee loo maleegayo Gudoomiyaha Wakiilada iyo weliba labadii arin ee Xeerka iyo Jomishanka
Ugu dambaystii ilaa iyo hadda musharax Madaxwaynaha ee KULMIYE madmadow badan baa ku jira waanu ku jirayaa ilaa Golaha Dhexe ee KULMIYE fadhiisto oo si rasmi ah u ansixiyo. Odaygan uu ku xigeenka u yahay laftiisa ayaan hubin inu musharax yahay iyo in kale lakiin Saylici waxad moodaa inu halkaa sii dhigtay oo musharaxnimadiisu ay geed ka go’an tahay waxay se u badan tahay inu yahay nin quud aan jirin qoryo u guranaya.
agudoomiye-xigeenka 3aad e Xisbiga Ucid
Cali Maxmed Yuusf (Cali Guray)-