Awdalpress – Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socda waddammada reer Galbeedka kuwaas oo u badnaa safiiro.
Waxana qaabilaaddaa goob joog ka ahaa madaxda sare ee dalka Somaliland intooda ugu sarraysa. Waxase la yaab ku noqotay wafdigii shirka la qaadanayey, muuqaalka badawnimo iyo af garanwaaga uga soo dhex baxay madaxdii Somaliland ee ay halkaa kula kulmeen. Inta badanna Madaxda Madaxweynaha hareera fadhiday, lamay iman miiska wax qorshe ah, manay hadlay, halka qaarna ay kursiga ay ku lulayeen. Ugu danbayntiina ay ku hurdoodeen meeshii. Arrinta noocan ah ayaa sumcad xumo u ah maamulka Somaliland iyo dalkaba, waxana ay sawir aad u fool xun ka bixinaysaa dawladnimada Somaliland. Wafdiyada imanayaana ma eegayaan uun waxa warqad loogu qoray ama nin keli ahi u sheegay amma loo tarjumay, waxase ay qiimayntoodu ku salaysan tahay illaa iyo shakhsi. Sidaasi daraaddeed, maxaad u malaynaysaa marka wasiir amma mid ka sarreeya uu nin wafdi ahi is yidhaa la sheekayso ee uu kiina af la’aan uga cararo?
Wafdigan ayaa ujeedadda ay Somaliland u yimaadeen lagu sheegay inay u socdaan sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinacyadda horumarinta iyo geeddi socodka dimuq-raadiyadda Somaliland.
Wefdigan ayaa kulan ay albaabaddu u xidhan yihiin la yeeshay madaxweynaha kuwaas oo aan loo ogolayn warbaahinta, waxaana markii uu kulankaasi dhamaaday warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
“Waxa maanta farxad weyn noo ah in Wefti balaadhan oo dhawr iyo labaatan qof ka kooban oo ka socda Midawga Yurub noo yimaadeen,kuwaas oo socdaalkoodu la xidhiidho inay wadanka eegaan oo qiimeeyaan horumarka dalku ka gaadhay xaga nabad galyada, Amaanka Xeebaha” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.
“Wafdigan oo ka kooban dhamaan Wadamada Xubanaha ka ah Midawga Yurub (European Union) waxaanu u bandhignay sidaanu ugu baahannahay, sida Somaliland dedaalka uga samaysay la dagaalanka Budhcad badeeda,la dagaalanka Argagixisada iyo Nabad galyada iyo Xasiloonida wadankani keenay arkaan oo ay gacan ka gaystaan.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Weftiyo ka socday dalalka reer Galbeedku booqasho ku imanayeen Somaliland, haseyeeshee waxay wararku sheegayaan inay u yimaadeen sidii loo dhamaystiri lahaa hawlaha ku xidhan doorashooyinka, waxaanay inta badan dalalkan Somaliland ka caawiyaan arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta dimuqraadiyadda, waxaanay iminaysa wakhti ay xisbiyadda mucaaradku walaac ka muujiyeen inay doorashaddu qabsoomi karto wakhtigeeddi, isla markaana xukuumadda ku eedeynayaan inay muddo kordhin rabto.