Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti

$
0
0

DSC_26871Jabuuti(Awdalpress)22.Nov.2014–Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisana si heer sare ah loosoo dhaweeyey.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Mudane Idiris Arna’ud Ali,Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Hadal kooban oo uu saxaafadda ku siiyey garoonka diyaaradaha Jabuuti Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayuu faah faahin kaga bixiyey safarka isaga iyo wafdigiisa ay ku yimaadeen dalkan Jabuuti oo ka dambeeyey kadib markii uu marti qaad ka helay dhigiisa kaasi oo la xiriira ka qeybgalka Munaasabadda furitaanka dhisme cusub oo uu yeeshay Golaha Qaranka Jabuuti oo ah Baarlamaanka Jabuuti taasina isaga ay farxad iyo sharaf weyn u tahay ka qeybgalkeeda.

Maalinnimada berrito ah ayaa la filayaa iney dhacdo munaasabadda lagu furayo dhisme cusub oo hada kadib uu ku shaqeyn doono Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Xildhibaannada ah ee uu hogaaminayo ay munaasabaddaasi ka qeybgali doonaan.

R.Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles