Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Gaas Oo Makhtabad Cusub Ka Furay Garoowe

$
0
0

gaas-300x199Garoowe(Awdalpress).Nover-23-2014–Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta furay maktabad cusub oo ay leedahay jaamacadda Bariga Afrika, faracaeeda magaalada Garoowe.

Maktabada oo ku fadhida dhul ay baaxaddiisu ka badantahay 5 boqol oo mitir ayaa hirgalinteeda waxaa ku baxay lacag dhan 100 kun oo Doollar, waxaana la dhigay in ka badan 40 kun oo buug oo laga baranayo noocyada kala duwan ee culuunta.

Guddoomiyaha jaamacada Bariga Afrika ee Garoowe, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in dadaal dheer kaddib lagu guulaysay hirgalinta maktabadda oo uu sheegay inay ugu weyn tahay maktabadaha ku yaalla deegaannada maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali oo hadal ka jeediyey furitaankii maktabadda ayaa sheegay in maktabadda cusubi ay door muhiim ah ka qaadan doonto sare u qaadidda aqoonta bulshada Puntland.

Cabdiwali ayaa ardayda jaamacadda ku boorriyey inay ku dadaalaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen halgankooda waxbarasho.

Jaamacadda Bariga Afrika, faraceeda Garoowe waxaa la aas-aasay sannadkii 2009 kii, waxaana hadda wax ka barata ilaa 6 boqol oo arday.

BRK.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images