Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al-Shabaab Oo Lagu Eedeeyay Sumaynta Ceelal Ku Yaalla Gobolka Jubbada Hoose

$
0
0

downloadBuulo-gaduud(Awdalpress) November-23-11-2014–Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay sumeysay dhowr ceel oo laga cabbi jiray biyaha oo ku yaalla qeybo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Kornayl Mursal Geeddi Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay kooxdu sumeysay ceelal ku yaalla deegaannada Buulo-guduud, Yoontoy, Wirkoy, Baar-sanguunni iyo deegaanno kale.

Sarkaalka ayaa cambaareeyay tallaabadan, wuxuuna xusay in arrintaas ay saameyn ba’an ku yeelatay dadka ku nool deegaannada ceelasha la sumeeyay.

Kornayl Mursal ayaa sheegay in kaddib markii ay wiiqeen awoodda kooxda Al-Shabaab, ay kooxdu billowday inay si dhuumaaleysi ah u sumeyso ilaha biyaha dadka deegaanka, oo markii horeba la daalaa dhacayay dhibaatooyin kale oo baahsan.

Kooxda Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin eedda loo jeediyay.

BRK.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images