Waxa aan mareegta boramanews.com ka akhristay maqaal uu ku saxeexnaa Mudane Abdirashid Xasan Mataan oo aan aqoon badan u leehay, waxana isku kay qaban waayey ninkii aan aqaannay iyo qoraalka uu mareegtaa ku qoray. Dhawr jeer ayaan akhriyey maqaalkaa si aan u hubsado in uu yahay mid u qalma Abdirashid iyo in kale, waxanan go’aankii qaatay in uu Musharraxu qaldamay, oo uu isku furay mooshinno sumcaddiisa wax yeelaya isla markaana mujtamiciisa hoos u dhigaya, waxanan ka jeclaa in uu qoro qoraal dadka u soo jiidaya, oo uu xataa isku dayayo in uu Prof. Ahmed Samatar shacabkiisa hanto. Balse uma ay dhicin, tafaraaruq hor leh ayaanu bilaabay. Waxana uu qaaday waddo qalad ah, oo uu walaakiina shaadhka kaga wasakhee islahaa.
Prof. Ahmed Samatar maaha siyaasi xisbi Somaliland ah ku jira oo uu la tartamayo amma kama mid aha xisbiga talada haya ee uu mucaaridka ku yahay. Laakiin waa muwaaddin ka mid ah mufakiriinta dunida wax laga weydiiyo. Somaliland oo uu fikrad ahaan gooni isu taagga dood ka qabayna waxa uu u ballan qaaday in wax uu taro mooyee aanu waxba ka bi’in doonin. Shacabka fahmada badan ee reer Somalilandna waxa ay garateen in ay qalbi wanaagsan ku soo dhaweeyaan aqoon yahankaa qiimaha badan ku fadhiya. Dawladda dalka ka talisa oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Ahmed Siilaanyana waxa ay ku guulaysatay in ay sidaa shacabku gartay iyaguna dhankooda ka soo dhaweeyaan.
Laakiin Abdirashid Xasan Mataan oo aan ku aqaannay fogaal arag ayaa qalinka kula deg degay arrimo la wada arkayo, aseen isaga ku habboonayn, waxana u habboonayd in aanu ku deg degin qoraalkaa, kana baaraan dego arrimaha badan ee ku gadaaman socdaalka Prof. Ahmed. Mase dhicin.
Haddaba akhristow, qof kasta oo kale oo weliba ka mid ah dadka indhow garadka ah waxa aan ka filayey in ay ku simbiriiraxdaan arrimaha uu Abdirashid Xasan Mataan ku talax tagey, ee ma idinla tahay in aad ra’yigiinna ka soo dhiibataan qoraalkiisa ku qoran shabakadda boramanews.com qaybta ra’yiga.
qoraalkiina ku soo hagaajiya:
shuceebi@hotmail.com
Ahmedweli Goth





