Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawladdii Somaliya ee dunidu ictiraaftay oo dawlad goboleedyo yar yari ka hoos biqleen. Bal daawo Ahmed Madoobe oo aan waxa soo socdaba ka warhayn, kuna sakhraansan Madaxweynenimo loo cumaamaday.

$
0
0

Somaliya dawladnimadeedan immiga soo yara roonaanaysa, ayaa loogu dawgalay maamul goboleedyo ka hoos biqlay, oo ay qaar awoodo u sheegteen, waxana maanta uguba daran Maamulka la baxay Jubba-land ee uu hor boodayo Ahmed Madoobe, oo aan kuba hadlay dhawaqa reer Kismaayoodka.

Haddaba dawladdan Xasan Sheekh oo ay dawladaha waaweyni garbaha hayaan, ayaa waxa dagaal ku bilaabay jabhadda Raas Kaamboodi oo sheegatay in ay ka taliyaan mandiqadda Kismaayo. Dhawaanna waxa ay madaxa is dareen beelo filiqsan oo ay ka mid yihiin Cawro male iyo kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hoos iyo korba loola hadlay Ahmed Madoobe oo iskuba qaatay nin aan dabadii la hadal, isaga oo isku hallaynaya dawladda Kenya ee uu dhinaca ku hayo. Laakiin ninka Ingiriis ee sida dadban dalka uga taliya ayaa amar ku bixiyey in cid kasta oo damac siyaasadeed lihi ay Muqdisho timaaddo isla markaana la wada hadlo, waxasa uu ka digay in dagaallada la bilaabay ay sii socdaan.

Ahmed Madoobena waxa uu immiga u soo noqday sidaa, waxanu ku soo jeedaa Muqdisho isaga oo sheegay in ay wada hadal bilaabi doonaan dawladda Xasan Sheekh.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa ay dunidu la yaabban tahay baahida ay Somaliyi dawladnimo u qabto iyo sida ay dawlado badan u rabaan. Ta xaqiiqda ahina waxa weeyi in Somaliya ay leedahay dawlad kaliya, haddii la kala qaybiyana ay Somaliland tahay ta kaliya ee bannaanka taagan.

Bal akhri wararkan oo daawo dadkan u haysta in Ahmed Madoobe yahay madaxweynihii ummadda Somaliyeed amma dawladda gaar ee Kismaayo iyo sida loo soo dhawynayo:

Wafdi uu horkacayo Madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo Kismaayo Gaaray [SAWIRRO]

 

 


Arbaco, June 12, 2013Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa markii ay soo gaareen garoonka waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulkiisa oo uu horkacayay Madaxweeyne ku xigeenka Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo sidoo kale dadweeyne aad u fara badan.

Soo dhaweyn kadib ayaa Sheekh Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalladii dhawaan ka dhacay Kismaayo, wuxuuna intaa kadib ka warbixiyay safarkiisii, isagoona sheegay in mudadii uu ku maqnaa dalka Kenya uu kulamo lasoo qaatay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul  goboleedka Puntland.

Masuulkan ayaa sheegay in madaxweeynaha Soomaaliya ay u gudbiyeen fariintii ay wadeen, wuxuuna sheegay in ay guul ugu soo dhamaadeen kulamadii ay qaateen, isagoona rajo wanaag ka muujiyay mustaqbalka maamul goboleedka Jubbaland ee uu madaxweeynaha u yahay.

“Dowladda waan is aragnay, madaxweeyne Xasan Sheekh waan kulannay, waan u sheegnay inaanu tuhun jirin, madaxweeynahanagii uu yahay oo uu iska saaro haday wax ku jireen, waxaana isla qaadannay shirkii loogu talo galay ee IGAD ay qabaneeysay lagaga hadlayay deegaanka inaan dhameeystirno iyadoo wax xumaan ahi jirin,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

 

Masuulkan ayaa ugu danbeyn sheegay in kulan ay la qaateen madaxda maamul goboleedka Puntland, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadlay arimo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo dastuurka dalka.

 

Imaatinka Wafdiga uu horkacayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kusoo beegmeeysa xilli dhawaan gudaha magaalada Kismaayo ay ka dhaceen dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamo daacad u ah maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidamo kale oo uu horkacayay Iftiin Xasan Baasto oo isna sheeganaya madaxweeynenimada Jubbaland, walow odoyaal deegaanka ah ay ku guuleysteen in ay arintaasi xalliyaan

 

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images