
Baashe Cabdi Godane oo ah walaalka ka weyn Axmed Godane ayaa si kulul uga hadlay xarig dhowaan isaga iyo walaalihiis ay ku sameeyeen booliiska Somaliland, ayaga oo baadi goobaya walaalkiisa hogaamiyaha kooxda Al-Shabab.
Baashe oo 54 jir ah, waxa uu sheegay in Axmed Godane iyo qoyskiisa uusan wax xiriir ah dhex marin tan iyo sanadihii sagaashamaadkii, islamarkaana aysan la wadaagin fikradihiisa xag-jirnimo.
“Haddii ay mas’uuliyiintu doonayaan Axmed Godane, si fudud ayey ku qaban karaan, waayo waxa ay adeegsan karaan taknoolajiyadda dusha sare wax ka eegta ee reer galbeedka” ayuu Baashe u sheegay wargeyska The Global and Mail ee daka Canada.Waxa kale oo uu sheegay war yaab leh oo ah in Mareykanka og yahay halka uu joogo Godane.
“Anigu ma aqaan halka uu joogo Axmed Godane, laakiin xitaa aqalka cad ee Mareykanka waa uu og yahay halka uu Godane joogo” ayuu yiri Baashe.
“Wax xiriir ah nagalama dhaxeeyo. Maxay inoo xabisayaan, ma garanayo, mar walba annaga ayey baaritaan nagu hayaan, annaguna waxaan nahay dad aan waxba galabsan. Wax fikrad ah kama heysto Al-Shabaab ama waxa ay sameynayaan ama ay doonayaan” ayuu yiri Baashe.
Baashe ayaa dhinaca kale sheegay inuusan wax shaqo ah ka heli karin Somaliland, sababtoo ah marka ay kuwa wax shaqaaleeya ogaadaan inuu la dhashay Axmed Godane ayey ka didaan.
“Waan is nacay, meel kasta oo aan tago, marku dadku maqlaan magaceyga ayey shaqo kasta naga xirtaan” ayuu yiri.
ANWAR KOWTAMA
WARDOON.NET@GMAIL.COM





