Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan oo London uga qeyb galaya shirka G8

$
0
0

London-2013-IIIAwdalpress(Muqdisho) 14 Jun, 13–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb gali doono shir waddammada ku horumaray warshadaha ee G8 uga furmi doona London Sabtida soo socda.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku jiraa madaxda lagu casuumay shirkaas, waxaana lagu wadaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho mas’uuliyiinta kale ee ka soo qeyb gali doonta.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Cabduqaadir Faarax Shirdoon, xubno ka tirsan labada gole iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Xasan Sheekh Maxamuud haddii uu ka qeyb galo shirka G8 wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee lagu casuumo shirka dalalka ku horumaray warshadaha.

RBK

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images