Washington(Awdalpress) 26.Nov.2014–Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay digniintiisii ahayd in muwaaddiniinta Mareykanka ay ka digtoonaadaan safarrada ay ku tagayaan dalka Jabuuti.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu helayo warbixinno muujinaya in ay suurtagal tahay weerarro argagixiso oo lala beegsado Mareykanka, reer Galbeedka kale iyo danaha dowladda Jabuuti.
Mareykanka ayaa sheegay in weerarrada argagixiso ee uu ka digayo ay noqon karaan afduub, ismiidaamin, qarxyo loo adeegsado bambaanooyin iyo baabuur la isku qarxiyo, iyo sidoo kale in la beegsado xarumaha dowladda, safaaradaha, xarumaha milateri, hoteellada, maqaayadaha lagu caweeyo iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Muwaaddiniinta Mareykanka ayaa loogu baaqay inay dhageystaan wararka idaacadaha, ama ay akhristaan jaraa’idyada iyo inay daawadaan telefishinnada, ka hor inta aanay isu diyaarinin safarrada, si ay ula socdaa xaaladda iyo dhaqdhaqaaqyada jira.
24-kii bishii May ee sanadkan 2014 ayay ahayd markii labo qarax oo is-miidaamin ah lala beedgsaday maqaayad ku taalla waqooyiga magaalada Jabuuti, halkaas oo uu ku dhintay hal qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Mas’uuliyadda weerarkaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Jabuuti ayaa ka mid ah waddamada ku yaboohay ciidanka howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee jooga Soomaaliya.
BRK




