Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dhaqankii hore ee Guurka Somalida iyo ka maanta

$
0
0

guurkaDhaqankii hore ee guurka Somalida marka qofkii garanayaa dib ugu noqdo ammaba aad sheekadiisa ka bogato, waxa kuu muuqanaysa in sida maanta dhaqanku yahay ay aad wax isaga baddaleen, hadday noqon lahayd HAASAAWIHII, SIDII INANKA LOOGU DOONI  JIRAY INANTA, XIDHIIDHKII WAAFIGA AHAA EE AY KU XIDIDI JIREEN GACAL IYO XIGAALE iyo arrimo badan oo la xidhiidhaba. Haddaba sheeko arrintaa ku saabasan oo aan ku soo qoray bogga aan ku leehay facebook ga ayaan jeclaystay in aan u soo bandhigo asxaabtayda ku xidhan shabakaddan ee aadka u daawada. Sheekadiina waatan ee ku soo dhawaada:

Jacaylkii hore marka la dhallin yar yahay run baa la isku jeclaan jiray, iyada oo aan haddana  ereyo macaan la isku beer laxawsan jirin, sida wiilka iyo gabadha is calmadaa xilligan isugu yeedhaan Qalbi, Macaan iyo kuwo la mid ah.
Gabdhuhu danaysi may aqoon, wiil fiican oo guursada oo kaliya ayaana hammigoodu ahaa. Wiilka ay calmadaanna haddii uu faqiir yahay iyo haddii uu qani yahayna may kala jeclayn, ee ka ay calmadaan run bay u jeclaan jireen. Qurux iyo labbis ama wax kale oo lagu xarragoodana kumay jeclaan jirin. Sida maanta dhacda ee gabdhuhu ka daba dhacaan marka wiilku uu isa soo jaakadeeyo amma gaadhi fiican ama dhaqaale fiican u leeyahay ee uu weliba tuso gabadha uu la haasaawayo.  Haddiise laga tegi waayo waxa ay gabdhihii hore ninka ku jeclaan jireen ama ku nici jireen dhaqankiisa, wax garadnimadiisa iyo wixii la mid ah.

Innamaduna inanta duunyo kumay jeclaan jirin, oo may odhan jirin gabadhaasi ayaa shaqaysata oo shaqo fiican haysata ama reerkooda ayaa xoolo leh, oo iyada ayaaba xoolo laga bixin jiray. Marka ay wiilashu gaadhaan xilliga gabadh doonkana waxa uu tohoyan jiray reeraha gabdho lagu sheego, ee weliba gabdho is gaadhsiisan lagu sheego. Talana waxa uu weydiin jiray waaya aragga. Sheekada uu xilligaa ugu jecel yahayna waxa ay ahayd ta guurka iyo xulashadiisa. Quruxda gabadha uun ma eegi jirin. Balse waxa uu eegi jiray dhaqankeedu in uu wanaagsan yahay, dadnimadeeda iyo waxgaradnimadeeda in ay gabadh caqli badan tahay. Xilliga ay sheekaysanayaanna waxa ay lammaanaha is rabaa ku sheekaysan jireen hadallo su’aalo u badan, oo midba midka kale imtixaan ka qaadayo.

Sheekada Wiilka ayaan maraynaye waxa uu xuuraamin jiray sheekooyinka faamliga gabadha gaar ahaan Hooyadeed, Aabbeheed iyo walaaleheed. Gayaan wax la yidhaa ayaa xisaabta ku jiri jirtay. Kadib wiilku isaga oo inanta warkeeda haya. Illaa sidii hooyadeed loo doonay inta xoolo laga bixiyey, raadka ay reerka la soo gashay iyo guud ahaanba taariikha reerkooda ayaa inankii uu inanta haasaawe guur ku ugu iman jiray.

Reerka ay gabadhu joogtana waxa dhaqan u ahaa in aan inanta iyo wiilka reerka ugu yimid midna la sharaysan. Balse ixtiraam loo fidiyo. Kadibna inanka iyo reerku tartiib tartiib ayey isku baran jireen. Sida loo wada socdo ayaa wakhtiga uu Ilaahay isku qoray ay is guursan jireen.

Laakiin jacaylka xilligani waa mid kii hore ka geddisan. Ee bal dhallin yarada immiga u daayo aragtidooda ay ka qabaan sida ay kaa hore isaga mid yihiin iyo sida ay ku kala geddisan yihiin.

La soco qaybta danbe

Ahmedweli Goth

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images