Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kulan aan caadi ahayn oo dhex maray Danjire Nikolas Kay iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Muunyo Gaag

$
0
0

Muunyo Gaab iyo Nikolas KayAwdalpress – Muqdisho – Kulan oo manta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa wada qaatay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Danjiraha QM u qaabilsan Arimaha Somalia Nicholas kay Waxaana ay labada Mas,uul ka wada hadleen arimo dhowr ah .
Kulanka ayaa maanta Nikolas Kay iyo Muungaab ku dhex maray xarunta gobolka Banaadir. Labada Mas,uul ayaa waxaa ay wada hadalkooda diiradda ku saareen dhowr qodob oo kala ahaa Dar dar galinta Amaanka Caasimada, Doorashooyinka Golaha Degaanka iyo sidoo kale dar dar galinta Howlaha Dariseynta Ee Maamulka Gobolka banaadir uu ku howlanaa dhawaanahaanba .
Daniraha Qaramada Midaabay ayaa kulankaga kaga warramay Muhiimadda ay leedahay Hirgalinta Qorshayaashaas, waxana uu Guddoomiyaha u ballan qaaday in uu Xafiiskiisu ka qayb qaadanayo Fududeynta Howlahaas Maamulka Gobolka Banaadir uu ku Howlanyahay in Caasimada laga hirgaliyo.

Kulankan oo aan caadi ahayn, ayaa waxa uu imanayaa xilli quus laga joogo heshiis ay galaan madaxda dalka ugu sarraysa, ee laga sugayey in ay hoggaanka dalka si xilkasnima leh u gutaan. Sidoo kalana waxa khilaafka Madaxda sare ka dhexeeyaa uu qas iyo wareer geliyey golihii sharci dajinta ee dalka. Sidaasi daraaddeed, ayaa beesha caalamku ka fekeraysaa in ay awoodda dawladnimo iyo ammaanka dalka kala tashato guddoomiyayaasha gobollada, sida kan gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Seeko) ayaa Markii uu soo dhamaaday kulankoodu Waxaa uu Saxaafada uga warramay waxyaabaha ay ka wada hadleen guddoomiyaha Gobolka Gen Muungaab iyo Danjire Nicholas Kay.

“Waxyaabaha ay ka wada hadleen Gudoomiyaha iyo Danjiraha, waxaa ka mid ahaa in kor loo qaado is dhex galka Bulshada , dar dar  galinta howlaha Qarammada Midoobay ay ka hayso dalka gaar ahaan Caasimada, Waxaa kale oo ay ka wada hadleen in ammaanka oo ay wax badan ka qabsoomeen culayska la saaro iyo in loo gogol xaadho, loona diyaar garoobo Doorashooyinka Golaha Degaanka oo la qorsheeyay in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo”ayuu Yiri Cali Seeko.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images