Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Howlgalka Atlanta oo lagu kordhiyay labo sano

$
0
0

EU-NAVFOR-300x180Boorama(Awdalpress)  27.Nov.2014–Midowga Yurub ayaa labo sano u cusbooneysiiyay ciidamada badda ee ka jooga xeebaha Soomaaliya, si loo ilaaliyo gargaarka bini’aadaannimo ee hay’adda cunnada adduunka (WFP) ay ugu talagashay dadka Soomaalida ah ee dhibaateysan.

Codeyn Golaha Midowga Yurub uu sameeyay 21-kii bishan ayaa lagu cusbooneysiiyay in ciidamadoodu ay sii joogaan xeebaha Soomaaliya ilaa bisha December ee sanadka 2016-ka.

Muddada labada sano ah ayaa la sheegay in ay ciidamada ku baxeyso lacag gaaraysa €14.7 milyan oo u dhiganta $18.40 milyan oo doollarka Mareykanka ah, waxaana howgalka ku mideysan 21 dowlad oo ka tirsan Midowga Yurub iyo labo dowlad oo aan xubin ka ahayn, waxaana hoggaaminaya Major General Martin Smith oo ka tirsan ciidamada badda ee boqortooyada Ingiriiska.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo ammaanka, Federica Mogherini ayaa sheegtay in ay muhiim tahay sugidda amniga maraakiibta gargaarka, si loo hubiyo in la gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Waxay tilmaantay in sanadkii 2008 markii la billaabay howgalka Atlanta ee lagula dagaallamayo burcad badeedda laga soo hoyay guulo badan, inkastoo ay halistu wali ay taagan tahay.

WFP ayaa sheegtay in in ka badan hal milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah, halka labo milyan oo kale aysan heysan nolol maalmeedkooda, taasoo ka dhigan in cunno-yarida iyo nafaqo-darrida ka jirta Soomaaliya ay tahay mid wali taagan.

BRK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images