Awdalpress – Hargeysa – Warar ay saxaafaddu xuuraan ku heshay oo aan weli la ogayn meel ay ka soo maaxdeen, ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Ahmed Siilaanyo ay miiska u saaran tahay in uu magacaabo laba Janan, laba Agaasime, 80 shaqaale ah iyo wasiir ku xigeenno. Warka Manasabyadaasi aan la hubin oo ay weliba saxaafaddu ku dartay in uu qaybinteeda u xil saaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Warkani oo dad badani na soo weydiiyeen ayaa ah mid aannaan hayn xaqiiqdiisa, sida uu u dhigan yahayna uu yahay mid macquulka ka fog. Waxana loo malaynayaa in madaxa la isku geliyano shacabka reer Awdal, sidoo kale waxa sumcadda lagaga dilayaa odayadii gobollada galbeedka iyo dadkii rajada ka qabay.
Talada noocan ah ee la leeyahay Madaxweynaha ayaa gaadhayna waxa ka horreysa in ay guddigii uu dirsadday ay horta soo bandhigaan hawshu halka ay u marayso iyo tabashada ay odayadu soo gudbiyeen sida ay u soo hubiyeen amma sida loo sixi karo labadaba. Kadibna uu Madaxweynuhu mar kale la kulmo odayada isaga oo kala tashana sidii uu tabashadooda u maarayn lahaa, caddaymaha ay guddigiisii hor dhigeen ama sida ay guddigu wax u soo dhigeenna ay ka wada hadli lahaayeen. Odayaduna ay natiijada dib ugula noqdaan guddigooda farsamo iyo shacabkooda. Bal in lagu qanci karo iyo in kale.
Madaxweyna Ku xigeenka lagu riixayo qaybintuna waa arrin kale oo iska horkeenka ta ugu weyn ah. Oo aan isagana qaban, dadka hawsha la yimidna aan qaban.
Wixii war ah ee ka soo kordhana waan idinla socod siin doonnaa.
Awdalpress






