Hargeysa(Awdalpress) 29.Nov.2014–Xarun Hoy iyo goob waxbarasho u noqonaysa ilaa 717 ka mid ah Caruurta Agoonta ah ee Somaliland ayaa maanta laga furay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa. Mashruucan oo iskugu jira goob waxbarashada hoose, dhexe, sare iyo Farsamada iyo farshaxanka iyo waliba Goob Caafimaad iyo Goobaha Cibaadada waxaa hirgalisay islamarkaana maalgalisay Dawladda Kuwait.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno golihiisa wasiirada ka tirsan ayaa ka qayb galay xafladda furitaanka. Waxa sidoo kale ka qayb galay Weftiyo ka socda Dawladda Kuwait iyo Jabuuti.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si balaadhan ugu mahadceliyay Dawladda Kuwait ee Hirgalisay Mashruucan. Waxaanu dhagax dhigay goob halkaasi ka ag dhaw oo u gaar noqon doonta Hablaha. Dhismaha xaruntan ayaa socday mudo laba sano ah.
Mashaariicdani ayaa markii hore lagu doonayey in laga dhiso magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal halkaasi oo Haya Kuwait ka tirsani ka ka dhistay xaruntii ugu horaysay ee ogoomaha ee Somaliland laakiin Maamulka Somaliland Ayaa cadaadis ku saaray Hay’da Islamic Relief ee kuwait in ay ka hirgaliso mashaariicdaasi Magaalada Hargeysa is ay uga faa’idaystaan ogoomaha xarumaha kala duwan lagu dhaqo ee magaalada Hargaysa .
RMS







