Rooma(Awdalpress) 29.Nov.2014–Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirragalinta maalgashiga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga ayaa maanta la kulmay jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Talyaaniga ayaa lgu sheegay in wasiirku kala hadlay jaalliyadda, sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka iyo dib-u-dhiska ka socda dalkooda Hooyo.
Xubno ka tirsan Jaaliyadda ayaa kulanka ka sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada iyo kulanka uu wasiirku la yeeshay Soomaalida kunool Talyaaniga, waxayna ku ammaaneen inuu u kuurgalay duruufaha adag ee ay ku noolyihiin.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Muuse Xasan Cabdulle oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay inay isku xiran yihiin safaaradda iyo jaalliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga, ayna safaaraddu ku dadaalayso sidii ay fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo ugu heli lahayd jaalliyadda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa jaalliyadda uga waxbixiyey horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka samaysay dhinacyada nabadgalyada, siyaasadda iyo horumarka, wuxuuna kula dardaarmay jaalliyadda inay ka qaybqaadato dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.
Wasiirka ayaa booqashadiisa Rooma kusoo gabagabeeyey kulanka uu la yeeshay jaalliyadda Soomaaliyeed iyo kormeer uu ku tagey xarumo ay safaaradda Soomaaliya ku leedahay Rooma, sida lgu sheegay war-saxaafadeedka.
BKL





