Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Bangi Dahabshiil Leedahay

$
0
0

siilaanyoHargeysa(Awdalpress). 30.Nov.2014–Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa maanta Xadhiga ka jaray Bangiga Dahabshiil oo laga hirgaliyay Badhtamaha Magaalada  Hargeysa.

Munaasibada Furitaanka waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha,xubno golihiisa wasiirada ka tirsan,Madaxda Dahabshiil,Madaxda Xisbiyada,Xildhibaano, Madaxdhaqameed,Culimo awdiin,aqoon yahan,ganacsato iyo marti sharaf kale.

Bangigan ayaa ah Bangigii ganacsi Islaami ah ee ugu horeeyay oo Somaliland laga furo, waxaanu suuro galinayaa maalgalin dhanka dhaqaalaha ah iyo ka qayb qaadashada horumarka sida uu sheegay maareeyaha guud ee Dahabshiil Group.

Dhismaha laga furay bangigan oo sidoo kale qaybihiisa kale laga furi doono xarumo ganacsi oo muwaadiniin Reer Somaliland ahi leeyihiin ayaa dhismihiisu socday mudo 7 sano ah, iyadoo ay ku baxday lacag dhan 12 Milyan oo Dollar.

RMS.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images