Hargeysa(Awdalpress) 30.Nov.2014-Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Ismaaciil Maxamed Shaqale oo socdaal kaga soo laabtay Dalka Jabuuti ayaa sheegay inay taliska sare ee Jamhuuriyada Jabuuti isla soo afgarteen sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen amaanka. Waxa uu sidoo kale sheegay in la dagaalanka Kooxaha amaanka waxyeelaya ee Geeska Africa ku soo kordhay meel looga soo wada jeesto.
socdaalkani ismaaciil shaqale ayaa laga yaabaa in uu saameyn ku yeesho bulshada ku dhaqan Gobolada Galbeedka oo inta badan adeegsada wadadaasi maadaama ay saraakiisha Somaliland warbixino qaldan ama caadifadaysan oo ka dhanka dadka deegaanadaasi u gudbiyaan kuwaasi oo sobab u noqota in xuduuda Lawyo-cado iyo Jabuuti ay adkaato isla markaasina indhaha Jabuuti laga jeediyo khatartii kaga timiday labadii shakhsi ee Hargeysa ka soo galay ka dibna isku qarixiyey maqaaxi jabuuti ku taala.
wixii ka dambeeyey qarixii lala beegsaday maqaaxi ku taala magaalada Jabuuti ayaa waxaa la soo darsay dadka adeegsada xuduudaasi ee u dhashay deegaanada galbeedka Dhibaatooyin faro badan .
iskastaba ahaatee ma laga yaabaa in salaadiinta iyo madax dhaqameedka ka soo jeeda deegaanada galbeedka ay safaro ku tagaan Jabuuti si ay uga dhaadhiciyaan xukuumada Jabuuti in ay yihiin bulsho nabada ka shaqeeya isla markaasina xidhiidh wanaagsan la leeyihiin xukuumada iyo bulshada jabuuti .
Magaalada Lawyo-cado ayaa inta badan shaqaalaha dowladda iyo maamulka ka hawl gala ay u badan yihiin kuwo ka soo jeeda Hargeysa kuwaasi oo si xun ula dhaqmo dadka adeegsado xuduuda ee ka soo jeeda Awdal iyo Salal .
Awdalpress. Desk.






