Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

RW Cabdiweli Sheekh oo ku baaqay joojinta dagaalka Xarardheere

$
0
0

Cabdiweli-Sheekh-III-300x237Muqdisho(Awdalpress) 30.Nov.2014—Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya deegaanno hoos-taga degmada Xarardheere inay si deg-deg ah ku joojiyaan colaadda, isuguna yimaadaan miiska wada-hadalka.

Raysul wasaare Cabdiweli ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in dagaalladan aanay ahayn kuwo loo cudurdaari kari marka laga eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u geysteen dadka deegaanka ku dhaqan.

“Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabbad joojin deg-deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darrada ah ee ku soo noq-noqonaya deegaanka,” ayuu qoraalka ku yiri raysul wasaaraha, wuxuuna dhanka kale sheegay in maamullada ka jira gobolladaas looga baahan yahay ka qeyb-qaadashada daminta colaadda iyo xal u helidda mushkiladda ka taagan deegaanka.

Wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka, nabaddoonnada iyo ururrada bulshada rayidka ah inay u istaagan joojinta colaadda, una fidiyaan gogol nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaadda, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysey dadka walaalaha ah ee wada daga degaankaas.

Dagaalka oo ka dhacay tulooyin u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la soo sheegay in ay ku dhinteen dad gaarayaa ilaa 15 qof, sidoo kalana ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo kale.

 BKL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images