Waxaa wax garadka reer SL ay isku wada raaceen in waxyaabihii ay xukuumadani ummadda uqabatey ay ka sii culus yihiin dhibaatooyinkii ay gaadhsiisey iyo diiftii, dil-dilaacii,riiqdii, hitaaqadii, hurgumadii,qeybsanaantii, qabyaaladii,iyo afooyinkii godobta wada ahaa ee ay kala dhex dhigtey shacabkii iyo dhamaan beelihii iyo bulsho weyntii reer Somaliland.Waxaa shacabku wada daalacdey boobka qaawan ee ay ku hayso dhulkii danta guud, kontaratyadii kheyraadka dalka iyo Liisamadii ay siisey shirkada shidaalka ee aan sharciga la marin. bal nala wadaaga dhacdooyinkan hoose ee wada runta ah ee ay maareyntoodii xukuumadeena faan jecel, dul yar, deman,dareen nugul ,diihaal badan ay ku gel gelimeysatey, kuna asqowdey,kuna ceyn iyo baydba godey hadana ay ku adkaatey sidii ay isaga maydhi laheyd fadeexadii iyo ceebihii gunnimada ahaa ee goobahaas ka soo gaadhey oo ilaa iyo maanta xukuumada ku ah bar madow oo aaney iska meydhi karin ee u noqon doona tixraac iyo tiraab taariikhda ugala oo lagu xasuusan doono mustaqbalka.1- Inqilaabkii dhicisoobey ee milateriga ahaa ee ay xukuumadu ku qaadey Golaha Baarlamaanka bishan 15/11/2014.Taas oo sababtey kacadoon dadweyne iyo dhimasho iyo dhaawac ay rasaas nool la dhacdey shacabkii.
2- Weerarkii maleeshiyo beeleedka hubeysani ku qaadeen 3/11/14 maxrajka sadexaad ee Berbera kaas u dhacey sife loogu magacdarey gardaro garab og, ka dib markii ay hubkoodii guryahooda kula noqdeen iyada oo aan cidii ka danbeysey ee hageysey weerarkaa ay xukuumadu indhaha ka lalisey oo aan la soo xidhin.
3- Boobka iyo Bililiqeysiga Guryihii dawlada , dhulkii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee qaranka sida Guryaha Wasiirada ugu tunka weyn lagu taxay iyo kuwa loo sadqeeyey shirkadaha gacan wadaaga yaqaan sida Gaandi Libaray,Wersheda laydhka ee Hargeisa, Sariibada Octobar iyo Xanaanada dhalaanka ee Hargeisa.
4-Sameynta Ciidanka ilaalada shidaalka ( OPU ) oo ah ciidan xaaraan ah oo aanu sharcigu ansixin , ku waas oo loo sameystey shacabkii wadanka lahaa ee xaqa ku taagnaa ee yidhi sharciga soo waafajiya ciidanka iyo shirkadaha shidaalkaba,kuwaas oo aan baarlamaanka laga ansixin oo ay ka qayliyeen ilaa iyo UN monitoring group.
5- Odayaashii reer Awdal ee cabashooyinka soo bandhigay kadibna kuwii ay ka cabanayeen si badheedh ah oo gunnimo ah gudi ahaan loogu saaray ee lagu bahdilay Salaadiintaas ,taas ay xukuumadu ucadeysey in aan loo sineyn yuhuunta iyo talada dawladnimada Somaliland.
6- Odayaashii Ciise ee iyana iyaga oo kabna lulaya kabna laa-laadinaya ka huleelay S/land.
7- Saraakiishii sida qorsheysan ee shirqoolka ah loogu laayey qoru lugud iyo Saax-dheer ee sida tukaha loo aasey.
9--Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal, ee loo xidh-xidhey dadka fara badan ee uu kamidka ahaa waqtigaa la taliyihii hore ee siyaasada ee madaxweynaha iyo iyana fadeexadii iyo ceebitii ka dhacey Ceel-bardaale iyo sidii foosha xumeyd ee loo maareyey.
10-Dagaalkii dhiilada badnaa ee ka dhacey Degaanka Buuhoodleh iyo kalshaale ee xilkiisii uu ku waayey taliyihii ciidanka qaranka ee waqtigaa, kaas oo askarina ay ku naf-waayeen qaarna ku dhaawacmeen.waxaana uu dagaalkani keenay in ay waayadan danbe ay xukuumadu ku fashilantey sidii degaankaa dawladnimada S/land loogu fidin lahaa ee loogu soo dabaali lahaa.
11-Diyaaradii sidey saanadda ciidamada ee Puntland ee waxoogaga lacagta ah laga qaatey, kadibna lafasaxay ee ooda laga qaade.
12- Raashinkii danyarta laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib loogu eedeeyey xeyndaabkii madaxtooyada iyo madaxdii xukuumada taas oo aan ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinkaa danyarta cidii masuuliyadeeda laheyd.
13- Liisankii ama rusqadii qaraabo qansaxa aheyd ee shirkada ninka keliya leeyahay la siiyey ee loo haneeyey loona caseeyey Buurihii Sibidhka ahaa ee qaranka oo ahaa ASSET-kii ummadda Somaliland oo dhami wada laheyd.
14- Ceebtii ka dhacdey Doorashadii golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey 28/11/12 ee ay xukumuudu af-duubtey ilaadadii iyo foodkii shacabka, taas oo ay ku dhinteen dhalinyaro qaar-na ay ku dhaawacmeen halkaasna ay ku wiiqantey sharaftii iyo karaamadii doorashooyinkii S/land lagu amaani jirey ee lagu majeeran jirey, taas oo iyana sii sababtey in uu hoos usii dhaco halbeegii qaramada midoobey ku cabiran jireen xaraarada nabadgelyada S/land ku negaatey.
15) -Waxaa Ceeb ma hadho ah iyo bar nadow ku ah xukuumada Siilaanyo sidii ay umusuq-maasuqdey lacagtii Malaayiinka doolar aheyd ee loogu talo galey in lagu dhiso Madaarka Hargeysa iyo Madaarka Berbera, Taas oo aaney weli shacabka S/land ucadeyn siyaabihii ay lacagahaasi ku baxeen. Waxa shacabku isku raacey in qanadaraaskaa $10 Million ee dollar ahaa lugu abaalmariyey shaqsi keli ah oon shirkad aheyn.
16) -Waxaa Xukuumada Fadeexad qaawan iyo Ceeb ugu filan lacagihii Mallaayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka oo ay ugu horeyso Genal Energey iyo shirkadaha kale ee DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, OPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA, iyo EAST AFRICAN RESOURCE GROUP kuwaas oo aan dhamaan baarlamaanka la hor keenin.
17) -Caadooyinkaa gunnimada ah ee ay xukuumada Siilaanyo ay had iyo jeer kula gal-galato Saxaafada madaxa banaan ee madaniga ah ayaa waxay xabsiga dhigtey xukumadani tiradii ugu badneyd abid ee weriyeyaal la xidho oo la jidh dilo kuwaas oo gaadhaayey ilaa 70 weriye iyo madax badan oo Xisbiyada mucaaridka ka mid ahaa, Xildhibaano xasaanadii laga qaadey oo la xidhey. Waxay Musharax Jamal Ali Xuseen ka horjoogsatey in uu booqdo xarumihii xisbigiisa ee Gabiley iyo Burco. waxay albaabada ulaabtey Hubaal, Haatuf iyo Somaliland times..
18) Waxay si aargoosi degamsan ah xilalkii uga wada xayuubisey oo u geeso garaacdey wasiiro badan oo isku degaan ka soo wada jeeda oo ahaa ragii ugu aqoonta iyo kartida badnaa xukuumadeeda waxaana ka mid ahaa mujaahid Mohamed Xaashi, Cilmi oo ahaa wasiirkii hore ee Maaliyada, Boobe Yusuf Ducaale wasiirkii hore ee Warfaafinta, Mohamed Abdillahi Cumar wasiirkii hore ee Arimaha Debeda, Dr Ahmed hashi Odey wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Abdillahi abokor osman Wasiirkii hore ee Amniga, Taliyihii hore ciidanka qaranka general A/baasid nuux taani iyo taliyihii ciidanka ee ku sii xigay General Mohamed Hassan C/llahi ( jidhif ). Halka ay wasiiradii degaanka madaxweynaha ka soo jeedaa ay wada noqdeen lama bedelaan, lama taabtaan, Ceeb ka saliin wada ah ”Timir Lafbaa ku jirta” !!
19)- Waxay xukuumadani si arxandaro iyo axmaqnimo ah ay ugu isticmaashey awooda dawladnimo oo ay guryahoodii ku weerareen Ciidankeeda RRU-du Wasiirkii hore ee Amniga Abdillahi Abokor iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore ee G/Togdheer Guleed Dahir Samatar, halkaas oo ay ciidankaasi ku gebe-gebeeyeen caruurtoodii iyo xaasaskoodii oo aan waxba galabsan.
20) -Waxaa shacabka ucadaatey in aaney maanta S/land jirin maslaxad qaran, maadaama ay xukuumada Siilaanyo ubanbaxdey burburinta jawigii Dimuqraadiga ahaa ee Geedi socdokii Dimuqraadiga ahaa ee JSL ku taami jirtey mudada dheer, waxaaney Xukuumadan Siyaasadeedii hada isugu soo ururtey khidad daciifa oo deris ku nool ah oo duunyo lunsi ah taas oo ay dhuuxa ka gashey Aargoosi degamsan, cadaawe siyaasadeed, xiisad sameyn iyo xaalad abuur ku raadgadasho ah oo ay ku raajicinayso uun waqti korodhsi uu aabihii goblamey.
21)- Waxaa shacabka reer Somaliland wada daalacatey in aaney xukuumadi laheyn karti siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan feker buuxa iyo aragti dheer ( vision ) laakiin uu xaalkeedii hada ku soo ururey oo noqdey himbiriirsi, halaan hal,dhafan-dhaaf, dhalaan habaabis, dhal-dhalaal been ah, Wadadu- wadey daalibeysaa iyo musuq-maasuq xadkii dhaafey iyo boob hantidii ummadda lagu lunsanaayo sifeyaal kala duwan oo cilmiyeysan.
22 )- Maadaama ay xaqdaro iyo dulmi badani uu wadanka ka dhacdey intii ay xukuumadani gadhwadeenka ka aheyd Somaliland, maanta iyo haatana ay faraha la gashey unugii ugu sareeyey qaranka oo ah Dastuurkii iyo Golihii Baarlamaanka oo ummaddii indhahooda ku daalacatey iyada oo usoo gur-guuraneysa habeenkii Golohii Wakiilada, taasina waxay wadanka ku keeni kartaa carqalado ,cawaaqib xumo iyo in Baarlamaankii la soo doortey laga aamin ka baxo oo gacmaha la isula tago ka dibna dagaalku uu isku bedelo dagaalo sokeeye oo qarxa, alleh ha inaga hayee.
Gunaanad: Siyaasada gamuuran ee guracan ee xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,waxay lumisey burjigii, burhaantii iyo buruudkii qaranimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan fashilaada qobadaa tirada beelay ee aan kor kaga soo dhawaajiyey .Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in xal la raadiyo oo wadanka la badbaadiyo laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London





