Awdalpress(laascaanood) 01Dec, 14–Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay dilay askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasoo sababtay rabshado maanta ka dhacay magaalada.
Taliyaha Booliska ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Col-haye ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaan la xiriirta ciddii ka dambeysay dilka.
Boqollaal qof oo careysnaa ayaa rabshado ka sameeyay magaalada, iyagoo gubayay taayarro, waxeyna isku dayeen inay xiraan goobaha ganacsi ee magaalada.
Cabdiqani Aw Daahir oo ah masuul ka tirsan shirkadda Dahabshiil qeybteeda Laascaanood ayaa u sheegay Bar-kulan in dadka rabshadaha sameynayay ay waxyeello gaarsiiyeen dhismaha shirkadda.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay carada dadka, balse waxaa la sheegayaa inay ka caroodeen, falka dilka ah iyo ciidanka booliska oo diiday in meydka marxuumka ay ku wareejiyaan ehelkiisa, taasoo ciidanka ay ku sababayeen baaritaan ay ku sameynayaan meydka.
RBK