Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada reer Awdal oo rabshadihii shalay ka dhacay Borama ku tilmaamay fal ammaanka wax u dhimaya oo aan loo baahnayn. Dhallinyaradii falkaa samaysayna ugu hanjabay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

$
0
0

Breakingnews.Awdalpress – Borama – Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada gobollada galbeedka oo saacado badan laga war sugayey in ay ka hadlaan xadhigga loo geystay guddoomiyihii hore ee magaalada Borama mudane Abdirahman Shide Bile iyo Suldaanka  Jibril Yoonis,  Suldaan Abuubaka Wabar ee la raadinayo, ayaa maanta shir jaraaa’id oo ay qabteen aan haba yaraatee ka hadlin tallaabooyinka xadhigga ah ee lagula kacay mas’uulkaa. Laaliin mid ka mid ah salaadiinta ayaa sheegay in Meyerkii hore ee Borama shalay la qabtay laguna tuhmay arrimo ammaanka wax yeelaya.

Oday dhaqameedyada war saxaafadeedka jeedinayey ayaa waxa ka maqnaa salaadiin culays ku leh gobollada galbeedka oo aan weligood ka maqnaan jirin madalaha noocan oo kale ah. Sidoo kale waxa jira guux badan oo lagu taageerayo salaadiinta maqan iyo Suldaanka gurigiisa la baadhay ee laga waayey iyo duqii hore ee magaalada Borama oo xabsiga loo taxaabay.

War saxaafadeedkan ay odayadani jeediyeen ayey aad ugaga hadleen in ay nabad gelyadu tahay mid loo baahan yahay in la ilaaliyo. Falkii shalay dhacay ee muddaharaadkana ku tilmaamay, mid aan loo baahnayn. Dadkii isku soo baxa iyo rabshadaha sameeyeyna waxa ay ku tilmaameen kuwo aan caqli iyo talo wanaagsan midna ku socon. Waxana ay waalidkii dhashay carruurtaa iyo shacabkaba ugu baaqeen in dadka sidaa samaynaya aan laga yeelin haddi kaddib, oo gacanta la soo qabto.

Sidoo kale waxa ay salaadiintu ku hanjabeen in aanay cidka ka yeelayn in nabadgelyada la taabto. Ciddii isku day samaysana shacriga la horkeeno.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles