Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

QM: Cidna wax noogama noqon qaraxii Muqdisho

$
0
0

unsomMuqdisho(Awdalpress) 03.Dec.2014–Howlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM) ayaa xaqiijiyay in kolonyo gaadiid oo ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay qarax gaari lagula eegtay meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay inaanay jirin dhaawac ama dhimasho soo gaaray shaqaalaha Qaramada Midoobay, balse waxay muujiyeen siday uga xun yihiin khasaaraha qaraxa uu u geystay dadka rayidka ah iyo ciidanka ammaanka.

Xafiiska UNSOM ayaa sheegay inuu kala shaqeynayo dowladda baaritaanka ay ku hayso weerarkii saaka dhacay.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerarka oo uu geystay qof isa soo miidaamiyay oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ku dhowaad 10 kalena way ku dhaawacantay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

BKL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles