Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dhalinyaro Duulaan Ku Soo Qaaday Munaasibad Xisbiga Wadani U Qabtay Hargeysa Iyo Xukuumada Oo Lagu Eedeyey

$
0
0

wadaniHargeysa(Awdalpress)  04.Dec.2014–Boqolaal dhalinyaro ah oo aan la garanayn cida soo abaabushay ayaa maanta Weerar ku qaaday Munaasibad Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku soo dhaweynayay Xubno ku soo biiray oo lagu qabtay Hotel-ka Crown ee Hargeysa.
Dhalinyarada oo adeegsanayay Dhagax ayaa dhaawacyo gaadhsiiyay dad badan oo iskugu jira Haween,dhalinyaro iyo Rag uu ku dhacay Dhagax sida Roobka ugu soo hoobtay Hotel-ka. Waxa sidoo kale la jajabiyay islamarkaana waxyeelo weyn loo gaystay gaadiidka Hotel-kak gudihiisa yaalay oo dhagaxu soo gaadhay iyo kuwa dibada hotelka yeelay ee dadka munaasibada ka qayb galay wateen. Baabuurta la jajabiyay ayaa qaarkood waxaa watay Madaxda Waddani, Wariyeyaal iyo Marti sharafta munaasibada.
Ilaa hadda lama garanayo Cidda soo abaabushay Dhalinyaradaasi oo weerarka soo qaaday abaaro 12-kii duhurnimo oo Munaasibadu si habsami ah u dhamaatay balse dadweynaha ka qayb galay isku dayeen inay ka baxaan Hotel-ka, halkaasi oo dhalinyarada boqolaalka ahi Shiid la hor istaagtay.
Booliska ayaan arintan waxba ka qaban balse Dhalinyarada Munaasibada ka soo qayb gashay ayaa aakhirkii iska caabiyay dhalinyarada soo weerartay. Saldhigyada Booliska oo u dhaw Halka rabashadu ka socotay ayaan mudo saacado ah wax talaabo ah ka qaadin.
Mulkiilaha Hotel-ka Crown Cismaan Hindi, ayaa Weerarkan ku tilmaamay mid Qorshaysan oo Xukumaddu soo abaabushay. Waxa uu tilmaamay in laba saldhig oo halkaasi aan ka fogayni waxba ka qaban arinta “Waxaanu nahay Muwaadiniin ganacsanaysa, waxaanu nahay Cashuur bixiyeyaal, Mudane Madaxweyne uma dulqaadan karo dhacdadan oo kale ee waxaan kaa codsanayaa inaan arintan oo kale aan mar dambe la ii celin oo aanay igu soo noqon” ayaa ka mid ahaa Hadalka Cismaan Hindi.
Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo Warbaahinta la hadlay intii rabashadu socotay ayaa Xukumaddu ku eedeeay inay xukumaddu soo abaabushay falkan oo amaanka ka dhan ah islamarkaana lagu carqaladaynayo Munaasibada Waddani.
“Waxay Xukumaddu diyaarisay Askar Xabad rida iyo Caruur Baabuurta jajabisa marka laga soo baxayay Xafladda. aad baan u cambaaraynaynaa arintan, wixii khasaare ka dhashayna waxaa masuul ka ah Xukumadda.waxaa si badheedh ah loo soo weeraray Ganacsadaha Hotel-ka ku ganacsanaya iyo Waddani oo xafladihiisa laga soo horjeedo. waxaanu leenahay Xukumadda dadka nabad galyada ha u dayso, yaanay iyadu nabad galyo daro abuurin” ayuu yidhi Xoghayaha Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde
Arintan ayaa sababi gaadhay Dhibaato weyn oo dhex martay Dhalinyarada Abaabulneed ee soo beegsaday Munaasibada iyo Dhalinyaro tiro badan oo munaasibada ku sugnaa islamarkaana qaarkood maanta ku biireen Xisbi
RMS.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles