Muqdisho(Awdalpress)04.Dec.2014-Madaxweynaha iyo raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda Kuwait iyo wafdi ballaaran oo Jaamacadda Carabta ka socda oo socdaal ku tagay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad iyo xubnaha ka socda jaamacadda Carabta ay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan kaalinta Carabta uga aaddan howlaha dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa xusay in wafdiga uu ku dhawaaqay in la qaban doono shirweyn oo ay dalalka Carabta ka yeelan doonaan qaabka ugu habboon ee Soomaaliya looga gacan siin karo dib-u-dhiska iyo horumarka.
Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in socdaalka ay madaxdaan ku yimaadeen Muqdisho ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Kuwait iyo Murataaniya oo wasiirradooda arrimaha dibadda ku jireen wafdiga ay ballan-qaadeen in si degdeg ah loo shaqo-gelin doono safaaradihii ay ku lahaayeen Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad ayaa sheegay in uu aad ugu riyaaqay horumarka dhinacyadda siyaasadda iyo nabadgalyada ee ka hirgalay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dowladaha Carabta, gaar ahaan dalkiisa Kuwait uu u bandhigi doono wanaagga uu ku arkay magaalada Muqdisho.
Sheekh Sabaax ayaa ku boorriyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay ka feejignaadaan khilaafyada siyaasadeed ee hareeyay waxqabadka madaxda Soomaaliya, wuxuuna si xamaadasadeysan u sheegay in xiriirkii Soomaaliya iyo Kuwait dib loo soo celin doono/
BKL