Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Suldaan Abiibakar Wabar oo mar labaad digniin u diray xukuumadda Somaliland, codsadayna in ciidammada degaannadiisa la soo dhoobay si deg deg ah looga qaado. ( Halkan ka daawo Video )

$
0
0

Breakingnews.Awdalpress – London – Wararka aan ka helayno gobollada galbeedka Somaliland ayaa weli ka daraynaya ammaanka jiidaha galbeed, Waxa laga joogaa usbuuc iyo badh markii uu Suldaanka beelaha Jibril Yoonis oo ku hadlaya magaca gobollada galbeedku iclaamiyey in gobolladaasi ka baxeen Somaliland. Kadibna ay dawladda Ahmed Siilaanyo ciidammo ammaanka suga u dirtay degaannada galbeedka ka xiga magaalada Borama, halkaa oo uu ku sugan yahay Suldaan Wabar. Waxa kale oo ay dawladda Ahmed Siilaanyo u dirtay gobolka Awdal mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa oo badi ka soo jeeda gobollada Awdal iyo Salal. Laakiin nasiib darro ku guul darraystay in ay is fahmaan oday dhaqameedyadii iyo waxgaradkii ka hawl galayey khilaafka ka dhex oogmay hoggaanka degaankaa iyo xukuumadda Siilaanyo.

Suldaanka hadalkiisiina waa kan ee nala dhegeysta.

Warar kale ayaa sheegaya in xukuumadda Ahmed Siilaanyo wada xaajood ugu tagtay dawladda Itoobiya, sidii ay u soo qaban lahaayeen Suldaan Wabar oo jooga meel aan ka fogayn degmada Qulunjeed. Hase yeeshee, weli xukuumadda Somaliland kuma aanay guulaysan dalabkeeda. Mana awooddo in ay xadka ka tallowdo, si ay uga soo raadiso Suldaanka dhinaca Itobiya oo aan la hubin in uu joogo.

Dhinca kale waxa magaalada Borama ku xidhan Meyerkii hore ee Magaalada Borama oo loo aanaynayo, in ay isku lug yihiin Suldaanka. Balse weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ka hadlaya xadhigga Mas’uulkaasi ma jiro. Sidoo kale waxa weli arrintan ka aammusan oday dhaqameedkii ugu codka dheeraa ee gobollada galbeedka Somaliland. lamana garanayo halka ay hawshu caga dhigan doonto illaa immiga.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images