Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ogeysiis: Carro Gadabursi Ceelna Uma Qodna, Cidna Uma Maqna

$
0
0

ARDAA

Ururweynaha Adal Resources & Development Assistance Association (ARDAA) wuxuu ogeysiinayaa jaaliyadda Gadabursi ee deggan woqooyiga Ameerika (North America) in shirweyne aad u balaadhan lagu qabanayo Magaalada Ottawa, caasimada dalka Canada maalinta Sabtida ah e bisha December 27da, 2014.

 

Shirkan oo in mudda ahba la sugayey, kana soo shaqaynayeen odayaal reer Ottawa ah iyo xubno ka tirsan mas’uuliinta Ururweynaha ARDAA, waxa lagaga jawaabi doonaa baaqii kasoo baxay guddoonka sare ee dhaqanka beelaha Gadabursi sanadkan horraantiisii, kaasoo ku saabsanaa dhismaha dekadda Lughaya iyo danaha horurmar ee Beelwaynta Gadabuursi.

 

Waxa si sharafle cid kasta looga codsanayaa in la wayneeyo ka soo qaybgalka shirka si ay u hirgasho tixgelinta mudnaanta shirkani leeyahay, taabbagalka ujeeddooyinka qaaliga ah ee ka dambeeya iyo muhimadda.

 

Waxan ku boorrinaynaa in Jaaliyadda reer Awdal ay shirka uga soo qayb galaan sidii qiimaha lahayd ee lagu yiqiin. Ilaahay ha ka dhigo shir guulaysta.

Shirku wuxu ka dhici doonaa:

Canterbury Community Complex, Hall B

2185 Arch Street,

Ottawa, Ontario K1G 2H5

 

Wakhtiga           11.00 am – 8.00 PM

 

Wixii faahfaahin ah ee shirkaa ku saabsan waxad kala xidhiidhi kartaan mobile lada hoos ku qoran:

  1. Mohamed Abdi Omar  – Tel: (613) 912-1250
  2. Hassan Dahir Ciid       – Tel: (613) 857-2947
  3. Mustafa Abdi Haji        – Tel: (613) 769-7818
  4. Rashid Omar                            – Tel: (613) 710-2725

Osman Yussuf                – Tel: (613) 255-5222


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images