Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Laba Xildhibaan Oo Xalay Xabsiga Loo Taxaabay iyo Ujeedada Xadhigooda

$
0
0

xildhibnoBoorama(Awdalpress) 14.Dec.2014-Laba  xildhibaan oo ka tirsan  golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa xalay boolisku xabsiga u taxaabeen , ilaa imika ma jiro warar sheegaya sobabta loo xidhay wallow qaar ka mid ah xildhibaanada oo aan la xidhiidhay ay noo sheegeen in lagu soo eedeeyey in ka dambeeyeen banaanbixii rabshadaha watay ee ka dhacay shalay magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal .

xadhiga xildhibaanadani ayaa laga yaabaa in uu kor u sii qaado xiisada ka taagan Gobolka Awdal maalmihii ugu dambeeyey taasi oo sobabtay in bishani ay ka dhacaan laba mudaharaad .

iskastaba ahaatee xaalada magaalada Boorama ayaa saaka degan wallow jidadka magaalada dhexdeeda mara ay ka muuqdaan ciidamo boolis ah kuwaasi oo ka cabsi qaba in xadhiga xildhibaanadu uu dhaliyo mudaharaad lagaga soo horjeedo xadhigooda oo aan ilaa hada ka hadal masuuliyiinta amniga iyo maamulka Gobolkuba .

xukuumada talada haysta ayaa xisbigayada mucaaradka ahi ku eedeeyeen in ay dad kicin iyo qalalaalse ka wato gobolada galbeedka Somaliland .

wixii warar ah ee ka Soo kordha kala soco .Awdalpress.com /Boorama


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images