Awdalpress – London – Kulan ay weftiga wasiirada Somaliland iyo iskuduwayaasha wasaaradaha gobolka Awdal ku wada yeesheen xafiiska wasaarada Qorshaynta ee Borama, ayaa lagaga wada hadlay xaalada jirta ee gobolka Awdal.
Shirkan oo ay saxaafaddu dibadda ka ahayd ayey shabakada awdalpress heshay warar xogogaal oo ay ka heleen ilo xog ogaal ah oo ku jiray shirkaasi, balse diiday in magacooda la sheego ayaa xusay in Wasiirka Duulista hawada oo kulankaasi ka hadlay sheegay in uu M/weyne siilaanyo hortiisa ka caddeeyay in labada beelood ee isaaq iyo gadabuursi yihiin laba beelood siman, sidaas awgeed BEELAHA gadabuursi aanay haysan inta beel Isaaq ahi haysato, taasna aan markhaati u haysto wasiiradan reer Awdal ee shirka inala jooga, M/weynaha hortiisa ayaanan ka cadeeyay xataa hadaan xilkayga ku waayayo, ayuu yidhi wasiirka Duulistu Maxamed Xaashi.
Sidoo kale waxa ay sheegeen xubnaha shirka goobjooga ka ahaa in uu isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka gaashaandhiga mudane Cadami oo isaguna sheegay in gudiga reer Awdal loogu daray nin ay necbaayeen oo ah wasiirka Maaliyadda oo caddaalad darro ay ka tirsanayaan, waxaanan ku idhi wasiirkaasi miyay jirtaa waxa lagaaga cabanayaa ? Wuxuuna iigu jawaabay oo yidhi HAA way jirtaa…
Hadalka wariiska duulista oo ay shakhsiyaadkaasi noo sheegeen mid uu ku muujinayey kalsoonida uu ku qabo shacabka gobolka iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay, ayaa u eg mid tilmaamaya isla markaana markhaati ka ah dihaalka siyaasadeed ee gobolka ka muuqda. Laakiin weli waxba lagama garanayo wakhtiga la saxi doono arrimaha gobolku uu tirsanayo iyo sida loo sixi doono.
Si kastaba ha ahaatee kulannadan wasiirada Somaliland la yeesheen iskuduwayaasha ayaa ku soo beegmaya xilli xaalad cusubi ka taagan tahay deegaanada galbeedka Somaliland.
Awdalpress