Awdalpress – London – Aniga oo ku hadlaya magaca Jaaliyadda reer Awdal ee dalka Ingiriiska waxa aan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diynaa Xildhibaan Ahmedyaasiin Sh. ALi Ayaanle oo si sharaf leh uga hadlay shaqaaqada siyaasadeed ee in dhawalaa ahba ku habsatay gobollada galbeedka Somaliland. Taasi oo keentay in ciidan aan hore degaannadaasi looga baran la geeyo. Shacabkiina la kiciyo.
Xildhibaan Ahmedyaasiin oo ah siyaasi lagu yaqaan sharaf iyo dhawarsoonaan, ayaan ka gabban meesha ay dhibtu ka soo maaxanayso. Waxana uu si cad u sheegay baahiyaha gobolku uu tabanayo, xaqa goboka kaga maqan xukuumadda Somaliland ee uu uga fadhiyo. Caddaalad darrada ay qabaan dhalinta reer Awdal ee soo dooratay iyo tacaddiyada ay wasaaradaha qaar kula kacaan gobolka ama ay ka leexiyaan xaqooda.
” Awdal ciidan uma baahna ee caqli iyo caddaalad ayey u baahan tahay” waxa sidaa yidhi Xildhibaan Ahmedyaasiin Sh. Ali Ayaanle.
Haddaba markii aan ka shawarray hadalkii Xidhibaan Ahmedyaasiin waxa aan isla garannay in aan ku hambalyeyno sida fariidnimada leh ee uu kaalintiisii uga soo baxay. Xildhibaannada kalena waxa aan leenahay ku dayda Ahmedyaasiin oo ummadda idin soo dooratay ee aad kuraasta ugu fadhidaan u hadla.
Wabillaahi Tawfiiq
Hassan Muse Khalif
London