Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray 1,033 Askari

$
0
0

Xasan-Sheekh1-300x199Muqdisho(Awdalpress) 22-12-2014-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xerada ciidanka Jasiira ee Muqdisho tababar ugu soo xiray 1,033 askari.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa isugu jiray 298 askari oo loo tababaray ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, 712 askari waxaa loo tababaray ciidanka xoogga ee lugta, halka 94 askari oo kalena ay yihiin booliska sida milateriga u tababaran.

Tababarka wuxuu socday ku dhawaad shan bil.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay askarta tababarka loo soo xiray ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in ciidanka ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay dalkooda, isla markaana looga fadhiyo in ay aqoontooda ugu adeegaan bulshada.

Askarta ayuu kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta ay ku dhex leeyihiin bulshada, ayna ka fogaadaan maandooriyeyaasha iyo wax kasta oo dili kara sumcadda iyo magaca ciidanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles